Inter oo ku adkaysanaysa inaysan fasaxin Sneijder

Wesley SneijderXiddigga xulka qaranka Holland iyo kooxda Inter Milan Wesley Sneijder oo haatan ku sugan magaalada Beijing ee caasimadda dalka China, halkaasoo ay kooxdiisa Sabtida cayaar adag kula leedahay kooxda AC Milan ayaa la sheegay inuu iska sii joogi doono kooxda Inter.Sneijder ayaa warar ku dhowdhow waxay sheegayaan in kulanka Sabtida ee soo socda uu noqon doono kulankii ugu dambeeyay ee uu u safto kooxda Inter, kaddib markii la sheegay in kooxda Manchester United ay ku beddeli doonto booskii xiddiggii cayaaraha ka farisatay ee Paul Scholes.Kooxda Manchester United ayaa doonaysa Sneijder oo 27 jir ah iyadoo weli ay socdaan wahadallo ku saabsan mushaarka uu qaadan doono, sida ay qorayaan wargeysyada ka faallooda cayaaraha, wuxuuna Sneijder doonayaa in ka badan 200 oo kun oo gani inuu qaato toddobaadkiiba haddii uu ku biirayo kooxda ugu hanashada badan horyaalka Ingiriska ee Manchester United.Agaasimaha guud ee kooxda Inter, Ernesto Paolilli ayaa u sheegay website-ka kooxdiisa Inter in Sneijder uu la sii joogi doono kooxda xilli cayaareedka soo socda.Wararka ugu dambeeya ee la xiriira mustaqbalka Sneijder ayaa kala caddaan doona toddobaadyada soo socda.Maqaaladda La Xiriira:

  1. Milkiilaha Inter-Milan oo shuruud ku xiray tagista Wesley Sneijder
  2. Manchester iyo damaceeda Wesley Sneijder
  3. Wesley Sneijder oo looga gacan haatiyay horyaalka dalka Ingiriiska

Comments

Post new comment

  • Web page addresses and e-mail addresses turn into links automatically.
  • Allowed HTML tags: <a> <em> <strong> <cite> <code> <ul> <ol> <li> <dl> <dt> <dd>
  • Lines and paragraphs break automatically.
  • Use the special tag [adsense:format:slot] or [adsense:format:[group]:[channel][:slot]] or [adsense:block:location] to display Google AdSense ads.
  • You may embed videos from the following providers archive, bliptv, dailymotion, google, guba, imeem, lastfm, livevideo, metacafe, myspace, revver, sevenload, spike, tudou, twistage, ustream, ustreamlive, vimeo, voicethread, yahoomusic, youtube, zzz_custom_url. Just add the video URL to your textarea in the place where you would like the video to appear, i.e. http://www.youtube.com/watch?v=pw0jmvdh.

More information about formatting options

Hal xiraale
Waa inaan ogaano inaad qof tahay
4 + 5 =
Solve this simple math problem and enter the result. E.g. for 1+3, enter 4.