ICRC ayaa waxaa ay cambareeyn u soo jeedisay duqeymihii ka dhacay G Gedo.

Hay’ada ICRC ayaa waxa ay si weyn u cambaareysay duqaymihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada baardheere ee gobolka gedo waxa ayna sheegtay in dhibaatada ugu badan ay soo gaarto dadka rayidka
Madaxa hay’ada ICRC ee soomaaliya u qaabilsan Pascal Mauchle ayaa waxa uu Sheegay inuu si weyn u cambaareynayo duqaymihii ka dhacay baardheere oo uu sheegay in ay burburiyeen dhismayaal farabadan iyadoona la ogaa inuu ku dhaawacmay 1 ruux , dad aad u farabadana ay ka barakaceen duqeyntaasi
Pascal mauchle madaxa hay’ada ICRC ee Soomaaliya u qaabilsan ayaa waxa uu sheegay inuu ugu baaqayo labada dhinacyada somalida ah ee isku haya siyaasadda ay u diir naxaan dadka shacabka isla markaana ay joojiyaan dagaalada ay ku dhex dagaalamayaan .
Dhawaan ayay ahayd Markii ay duqayn ka dhacday magaalada baardheere iyadoona Magaaladaasi ay kamid ahayd magaalooyinkii ay dowlada Kenya ku hanjabtay in ay duqaynayso dad badana ay ka barakacayaan
xafiiska Muqdisho