Human Rights Watch ayaa Dowlda kenya ku eedeeysay in ay falal bini aadanimo ay ka geysatay kon furta Soomaaliya.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeysay ciidamada dawlada Kenya ee dagaalada kawada koofurta Soomaaliya inay dad rayid ah ku dileen deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka isla markaana ay dadkaasi waayeen daawooyin
War ay Human Rights soo saartayayaa waxay ku sheegtay in duqeymo ay diyaaradaha Kenya ka geysteen degmada Jillib ay waxyheelo ka soo gaartay dad barakacayaal ah waxaana warbixinta lagu sheegay in dadka qaarkiis ay ku adkaatay inay daawooyin helaan maadaama ay ciidamada Kenya xaduuda u xiran tahay
Agaasimaha waaxda Africa ee hay’adda Human Rights Watch Daniel Bekele ayaa sheegay in intii ay socdeen hawlgalada ay ciidamada Kenya ka wadaan Soomaaliya ay waxyeelo soo gaartay barakacayaal iyo kaluumaysato aan wax xiriir ah la laheyn Xarakadda Al-Shabab
“Kenya waa inay haatan ogolaataa in baaritaano lagu sameeyo sida ay wax u dhaceen waayo gudaha Soomaaliya tacadiyo ayaa ka dhacay” ayuu yiri agaasimaha Africa ee Human Rights Watch Daniel Bekele waxaana uu intaa ku daray inay jiraan dhibaatooyin ka dhacay xabsiyo ay ciidamada Kenya maamulaan
Ciidamada Kenya ayaa dagaalo kula galay koofurta Soomaaliya dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabab waxaanaay duqeymo ka geysteen deegaano aydad rayid ah dagan yihiin iyagoona ku hanjabay inay duqeyn doonaan 10 magaalo oo koofurta Soomaaliya ku yaala
Xafiiska Muqdisho