Hub ay lee-dahay Dowladda Soomaaliya oo ku gubtay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho

Waxaa xalay gubtay hub ay iska lee-dahay Dowladda Soomaaliya, iyadoo uu hubka yaallay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, isla-markaana waxaa ka dhashay khasaarooyin kala duwan.
Hubka ayaa waxaa la-sheegay in uu ku gubtay, in marka hore qolkii uu yaallay uu ka dhashay dab koronto ah, isla-markaana korontada ayaa waxay saameyn xoogan ay ku yeellatay hubkaasi, oo dhamaanba burburay.
Waxaa magaaladda Muqdisho oo dhan laga maqlay hubka oo sameynaaya dhawaaq xoogan, isla-markaana taasi ayay markiiba fahmeen shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho, inuu yahay hub gubanaaya.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in goobta uu hubka yaalla uu degan yahay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi.
Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi, oo arintaan ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in dabka ay sababtay koronto, isla-markaana wuxuu sheegay in goobtaasi uu ku gubtay hub, laakiin hubka ayaa wuxuu sheegay inaysan sidaasi u badneen.
Saacado kadib ayaa waxaa lagu guuleystay in dabkaasi la-demiyo, isla-markaana waxaa gacan balaaran ka geysatay Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, oo iyagu deggan Madaxtooyada Soomaaliya.