Howlgalo wada jir ah oo ka dhacay Muqdisho
Muqdisho(GMN)-Ciidamada dowlada soomaaliya ayaa qaaday talaabooyin ay ku doonayaan inay ku xaqiijiyaan amaanka magaalada muqdisho oo maalmahani faraha ka sii baxaya.
Degmooyinka waqooyiga magaalada muqdisho ayaa ciidamada dowlada xalay waxa ay ka sameyeen howlgal ay amaanka ay ku sugayaan.
Howlgalka ka dhacay waqooyiga magaalada muqdisho ayaa ciidamada dowlada waxa ay ku soo qabteen dhalinro badan kuwaas oo laga qabtay iyagoo wadooyinka lugaynaya.
Ciidamada dowlada ayaa sidoo kale waxa ay baaritaano ku sameynayeen gadiidka BL-ka ah ee dadweynuhi isticmaalaan.
Maamulka Gobolka Banaadir oo howlgalka ka hadlay ayaa sheegay in dadka la soo qabtay ay baaritaano ku sameyn doonaan cidii an dambi laheyna la sii deyn doono halka kuwa lagu helana sharciga la horkeeni doono
Warsame Joodax oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka gobolka banaadir ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in talaabadani lagu doonayo in lagu guulaysto sugida amaanka guud ahaan magaalada muqdisho.
Ciidamada dowlada ayaa wali howlgalo amaan sugis ah waxa ay ka wadaan qeybo ka mid ah magaalada muqdisho xili magaalada wali ay ka dhacayaan qaraxyo isdaba joog ah
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com
















