Horyaalka Kenya: Kooxda “Whitworth SC Islii” oo Guul Weyn gaartay.
22 Aug 2011: Kooxda Kubadda Cagta ee Whitworth Sports Club oo ka dhisan xaafadda Islii oo ay Soomaalidu sida Weyn u degto ayaa shalay Galab Guul Weyn kasoo hoysay Kulan adag oo ka Tirsanaa Horyaalka Kenya heerkiisa Labaad.
Cayaartan oo aheyd mid aad u adag ayay kooxda Whitworth SC 3-0 kaga taqallustay kooxda Kasarani oo Garoonkeeda lagu cayaaraayay.
Goolka Koowaad oo ahaa mid aad u qurux badan ayaa waxaa Kooxda Whitworth SC u saxiixay Kabtanmkooda C/kariin Balaakii, halka Roro iyo Jerry ay raaciyeen labada Gool kale.
Guud ahaan Cayaarta 90-keeda Daqiiqo ayaa waxaa ku gacan sareesay dhanka Maamulka Cayaarta iyo Natiijada intaba, kooxda Soomaalida ah ee Whitworth SC, taas oo sahashay in ay si fudud kaga gudbaan Kooxda Kasrani oo ka mid ah Kooxaha ugu adag ee ka qeyb galaaya Tartankaan.
Kabtanka Kooxda Whitworth SC, C/kariin Balaakii, oo la hadlay shabakaddan Somgoal Cayaarta kadib, ayaa sheegay in uusan Cabbiri karin Dareenkiisa kadib Guul Muhiim ah oo ay gaareen.
Waxa uu qiray in uu aad ugu Faraxsan yahay Guushaan ay heleen, isla markaana uu ugu Hambalyeynaayo dhamaan Cayaartoydiisa iyo Taageerayaasha intaba.
Sidoo Kale Gudoomiyaha Kooxdan Khaliif Cali Axmed (Baajiyo), oo isna la hadlay Shabakaddan Somgoal, ayaa Caddeeyay in uu aad ugu qanacsan yahay qaab Ciyaareedka qurxan oo ay soo bandhigtay kooxdiisa, taas oo Xaqiijisay in ay Guul weyn ka keenaan meel ka baxsan Garoonkooda.
Kooxdan Whitworth SC, ayaa hadda Hogaanka u heysa Tartankaan, iyadoo la rajeenaayo in ay usoo baxdo Xilli Ciyaareedka soo socda Heerarka ugu sarreeya ee Horyaalka Kenya.

















Comments
Post new comment