Hogaamiyaha Koonfurta G. Mudug Mr. Caalim oo sheegey in amaankoodu faraha ka baxay
Gaalkacyo(Pi) Hogaamiyaha Koonfurta Gobolka Mudug Maxamed Axmed Caalim oo la hadlay shacabka Koonfurta Gobolka Mudug ayaa maanta cadeeyey in Amaanka Koonfurta Mudug uu faraha ka baxey, wuxuu kaloo xusey in dhulka uu maamulkiisu gaarsiisnaa uu xaalad deg deg ah kusoo rogey.
Koonfurta Mudug oo sanadihii ugu dambeyey ay ka howlgalayeen maleeshiyaad aan cidna ka amar qaadan carqabadna ku ahaa maamulka uu Caalim hogaamiyo ayaa hada u muuqda kuwo sii xoogeysanaya, Madaxweyne Caalim oo iminka ku sugan Xaafada Baraxley ee Koonfurta Gaalkacyo wuxuu kaloo sheegey in Amaan xumada soo foodsaartey deegaanka ay carqabad horleh ku noqonayso nolosha shacabka.
Dowlada Puntland oo daris la ah maamulkaan ayey saameyn ku yeelaneysaa amaan xumada laga soo sheegayo Koonfurta Gobolka Mudug, iyo awooda Maamulka deegaankaas oo sii daciifaya.
Maamulka Koonfurta Mudug ee uu hogaamiyo Caalim ayaa xiriir dhow sanadkaan la lahaa Dowlada Puntland xiriirkasoo u badnaa xoojinta amaanka deegaankooda.
Puntlandi.com
Gaalkacyo
















