Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga oo 10,000 barakacayaal dib u dajin u sameeneysa

Hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in dib u dajin ay u sameyn doonto 10,000 oo ruux oo ka mid ah dadka barakaayaasha ee ku sugan gudaha magalaada Muqdisho.
Hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga oo howllo gargaar ka wada magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay in ay wado qorshe ay ugu tala gashay in ay dib u dajib ugu sameeyso 10,000 oo ka mid ah dadkii ku soo barakacay magaalada Muqdisho.
Waxa ay tilmaamay in dad gaaraya 1,700 oo ku nool magaalada Muqdisho in ay helleen gargaarkii ay u baahynaayeen, waxa ay intaa ku dartay in ay jiraan 2,000 oo weli u baahan in loo sameeyo gurmad iyo dib u dajin.
Sidoo kale hay’adda Bisha Cas ayaa ka hadashay in ay ku dadaalleen hir galinta Kaamam waa weyn oo loogu tala galay in lagu soo dhaweeyo dadka ka soo hayaamaya  goohaba ay abaartu ku dhufatay si ay u yaraato heerka ay gaartay Macluusha.
War ay soo saartay hay’adda ayaa  lagu qeexay in la xoojiyay howllaha gargaar ee Soomaaliiya,  haddana ay socdaan sidii loogu guulleysan lahaa qorshaha dib u dajinta ee lagu wado in laga fuliyo  magaalada Muqdisho.
Ugu danbeynti hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in 10,000 ee barakacayaasha mustaqbalka la gaarsiin doono illaa 16,000 oo ruux.
Waxay intaa raacisay in abaarta Soomaaliya ku dhufatay in ay tahay midii ugu darned ee muddo 60 sano ah ka dilaacda caalamka.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
 
Yurub                                            +442035190460
 
USA & CANADA                         17124327760