Hargaysa oo Lagaarsiiyay Dhawcayada Ciidamada Somaliland Dagaalkii Buuhoodle.

DaabacoSaaxib u dir

Hargaysa(Puntlandi.com);- Magaalada Hargaysa ee mamulka Somaliland ayaa la gaarsiiyay dhawacyada ka dhashay dagaalkii ay lagaleen dadka deegaanka buuhoodle ee Gobolka Cayn.
Saxafiyiin madax banaan oo Hargaysa ku sugan ayaa Puntlandi.com u sheegay in tiro badan oo katirsan askarta mamulka somaliland la gaarsiiyay isbitaalada Hargaysa.

Waxaa ay sheegeen in ku dhawaad 40 askari oo katirsan ciidamada mamulka Somaliland oo qaba dhawacyo culus iyo mid fudud la gaarsiiyay isbitaalka Hargaysa waxaana wararka qaar sheegayaan in dhawacyada intaa ka badanyihiin.
Warka ayaa intaa ku daraya in dhawacyada ay ku jiraan saraakiil sar sare oo katirsan hogaanka Policka mamulka Somaliland kuwaa oo ku dhaawacmay dagaalka.
Dhawacyada la gaarsiiyay Hargaysa kuma jirin dad shacaba sida ay sheegeen dad xog ogaala oo u waramay Puntlandi.com dhamaantoodna waxaa ay ahaayeen ciidamada mamulka Somaliland.
Xaalka Hargaysa ayaa isbadalay markii la soo gaarsiiyay tirada intaa la eg ee ku soo waxyeelawday dagaalkii Buuhoodle waxaana shacabka laga dheehanayay sida ay uga xunyihiin talaabooyinka guracan ee mamulka Hargaysa ku dhaqaaqayo.
Puntlandi.com Hargaysa.