Gudoonka Baarlamaanka oo ka hadlay dilkii loo geystay Xildhibaan Aadan Buule & Meydkiisa oo maanta la aasayo

Gudoonka Baarlamaanka ayaa ka hadlay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Aadan Buulle Maxamuud oo ka mid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka kuwa ugu fir fircoonaa, kaasoo shalay Ciidamo ka tirsan Dowladda ku dileen degmada Dharkeenley. Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye kuxigeenka labaad Axmed Dhimbil Casoowe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaanka, isagoo sheegay in tiisa ay [...]