Gud. Tarsan Oo Ku Taliyey In Qabyaaladda & Is-naceybka Shacabka Laga Talaabsado

Muqdisho – GMN - Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in halka Muqdisho maanta ay joogto ay dhigtay qabyaalad iyo naceyb Shacabka Muqdisho ay isku qaadeen loona baahan yahay in laga gudbo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlayay Xaflad furo wareejin dhismayaal Dowladeed ah oo lagu qabtay Degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho dhibaatooyin kala duwan ay soo martay.Duqa Magalaada Muqdisho ayaa sheegay in burburkii Muqdisho ay ugu wacneyd shacabka Gobolka Banaadir oo ay kala dhex gashay qabyaalad iyo in naceyn dhexdooda ah.Sidoo kale Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku dhawaaqay in shacabka Muqdisho looga baahan yahay inay ka midoobaan qabyaaladda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay sidoo kale in Shacabka Muqdisho ay heysto musiibo rabaani taasi oo ugu wacan dambi ay galeen Islamarkaana horseeday burbur, colaad iyo Abaaro daran.
Magaalada Muqdisho ayaa u maaqata mid kasoo kabsanaysa burburkii gaaray 21 ka hor waxaa la dareemaya is dhex gal Bulsho ganacsi Hurumar leh Degmooyin raadad ay ku yeesheen colaad oo nabdoon bilicda waddooyinka iyo xaafadaha oo soo laabanaya, inkastoo wali ay jirto nacaybka qaar ka mid ah dadka reer Muqdisho ay isku qabaan.

Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com