Goobaha ganacsiga ee Saakow oo dab la qabadsiiyo
Ganacsatada Soomaalida ee ku sugan degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe ayaa ka cabanaya kooxo burcad ah oo dab qabadsiiya goobaha ganacsiga marka habeenkii laga kala hoydo.Kooxaha oo aan ilaa iyo hadda la ogeyn sababta ay u gubaan goobaha ganacsiga ayaa la sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay dab qabadsiiyeen 3 xarumood oo ganacsi oo ku yaalla degmada Saakow.Maryan Jimcaale Maxamed, oo ka mid ah ganacsatadii la gubay xarumahooda ganacsi ayaa sheegtay in kooxda burcadda ah ay falkaasi geystaan marka la gaaro habeenki saqda dhexe.Maryan ayaa codsatay in wax laga qabto kooxdaasi dabka qabadsiisa goobaha ganacsi.Dhowaan ayaa waxaa dab la qabadsiiyay in ku dhow 10 dukaan oo ku yaalla degmada Saakow, kuwaas oo gudbistooda loo adeegsaday baasiin iyo tarraq.Maqaaladda La Xiriira:
- Saakow oo jadeeco iyo busbus laga cabanayo
- Shabaab oo ganacsato ku xirxiray Saakow
- Cuduro Ka Dilaacay Saakow

















Comments
Post new comment