Golaha maanka oo dood kulul ka yeshay arrimaha Soomaaliya iyo Dawlada Britain oo shuruudo adag hordhigtay Codsi wadajir ah oo ka yimid AU,DKMG ah iyo Mahiga,(Somalia pleads for extra troops to UN)

 
 
 

Dood uu golaha amaanka ee qaramada midoobay ka yeeshay arrimaha Soomaaliya ayuu Ra iisalwasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya kaga dalbaday in Ciidamo dheeraad ah loo diro Soomaliya si ay u buuxiyaan goobaha ay baneeyeen Ciidamada Xarakada Al shabaab islamarkaana ay gacanweyn uga gaystaan galbinta gargaarka bini aadaminimo ee Soomaaliya.
 
Kulanka dooda ah oo ay sidoo kale ka qaybgaleen Xubno sare oo ka socday qaramada midoobay iyo midawga Afrika ayaa waxaa looga codsaday golaha amaanka in uu ciidamada nabad ilaalinta ee ka hawlgalaya Soomaaliya gaarsiiyo ilaa 20, 000 oo askari iyadoo bay yiraahdeen Dawladaha afrika ay diyaar u yihiin in ay ciidamadooda u diraan Soomaaliya hadii Golaha amaanku ogolaado islamarkaana la helo dhaqaalihii iyo agabkii ay ku hawlgali lahayaeen.
 
Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya  Augustine Mahiga iyo Ergo sare oo ka socotay Midawga afrika kuwaasi oo dooda Golaha amaanku ka yeeshay soomaaliya qayb ka ahaa ayaa waxaa ay dalbadeen in si dag dag ah Soomaliya loogu diro 3,000 oo askari oo dheeraad ah kuwaasi oo ka hawlgalaya Magaalada Muqdisho iyo gobolada u dhaw dhaw gaar ahaan inta wali ku harsan gacanta Al shabaab ee ka tirsan Gobolka Banaadir.
 
Augustine Mahigo ayaa waxaa uu si gaar ah uga digay in hadii aan la helin ciidamadaasi dheeraadka ah ay dhici karayso in Hogaamiye kooxeedkii Soomaaliya ay la wareegaan Goobaha iyo dhufaysyada ay baneeyeen Al shabaab taasina ay caqabad ku noqoto horumarka DKMG ah ee Soomaaliya.
 
 
‘’ Kooxaha Xagjirka ah ayaa laga yaabaa in ay xeelad argagixisanimo ka fuliyaan goobaha ay dadku kubadan yihiin ee ka tirsan Magaalada Muqdisho iyo goobo kale oo kabaxsan ayuu yiri Mahiga isagoo ku baaqay in ilaalo caalami ah oo sigaar ah u tababaran la geeyo Soomaaliya si ay u ilaaliyaan Saraakiisha Qaramada Midoobay iyo shaqaalaha rayidka ah ee la shaqeeynaya xoogaga caalamiga ah.
 
Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan dalka Southafrica Baso Sangqu ayaa ayiday mawqifka midawga Afrika ee ku saabsan taageero milatari oo dheeraad ah oo ay ka helaan qaramada midobay si wax looga badalo xaaalada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya hase ahaatee waxaa shuruudo ku xiray awood dheeraad ah oo ay DKMG ah iyo midawga afrika ka helaan Q/Midoobay dawlada wadanka Britain.
 
 
 
 
Danjiraha Qaramada midoobay u fadhiya wadanka Britain oo qayb ka ahaa dooda golaha amaanku ka yeeshay arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay jirtay shuruudo ku xiran taageero uu golaha amaanku siiyo xukumada taasi oo ahayd isbadal xagga horumarka ah oo ay marka hore dawladu la timaado, ‘’ Waxaan rajaynaynaa in hay adaha Federaalka KMG ah ay muujiyaan Mas uulida wanaagsan iyo horumar tayaysan islamrkaana ay siwanaagsan u maamulaan khayraadka ama ilaha dhaqaale ee ay ka helaan caalamka isagoo sii dabadhigay in ay faraha ka qaadaan ama iska daayaan muranka iyo khilaafka gudahooda ah .
 
Shaki kuma jiro ayuu yiri in golaha amaanku uu ku dhagi doono balanqaadkiisii ahaa in mustaqbalka taageero la siiyo hay adaha DKMG ah ay ku xirnaandoonto hadba sida looga dhabeeyo Roadmap ka ama wadada loo marayo horumar laga sameeyo wadaxaajoodka kabilaawday muqdisho ee lagu eegayo habka 12 ka bilood ee ka dhiman DKMG ah wax looga qabto arrimaha ragaadiyay horumarkii iyo wadashaqayntii Dawlada iyo dhamaynta hanaanka KMG ah ee mudada dheer ay ku soo dhaqmaysay Soomaaliya.
 
 
 
Doodaan oo ahayd mid waqti dheer qaadatay ayay dawladaha Daneeya arrimaha Soomaaliya iyo xubnaha Golaha amaanku isku argti anaay kaga noqon habka loo wajahayo mustaqbalka DKMG ah ee Soomaaliya ,waxaase aad loo soo dhaweeyay horumarka dhinaca milatriga ee ay Amisom iyo DKMG ahi ka sameeyeen Muqdisho , Hase ahaatee waxaa jirtay qorshe ay wateen Dawlado ay horkacayso Britain oo ah in mustaqbalka taageerada DKMG ah lagu xiro wax ka soo baxa Shirka wadatashiga ee ka bilaawday 4 tii bishaan Magaalada Muqdisho lana filayo in shirar kale oo dheeraad ah ay bilaha Octobar iyo November ka dhacaan qaybo kamid ah Gobolada Soomaaliya.
 
 
Halkaan ka akhriso Warbinta oo ku qoran English.
 
http://www.google.com/hostednews/afp/article/ALeqM5gc27y4Vp1cSypkhlAZtdsDoReAaw?docId=CNG.84013840d691548b4d501bfc5f665885.251
 
 
 
 
 
DHacdooyinka.Com: Xassan Cadde.
 
 
Xassan.Cadde@Gmail.Com.
 
 
Falanqaynta@Dhacdooyinka.Com
 
 
Xaafiiska Wararka Dhacdooyinka London.
 
 


Comments

Post new comment

  • Web page addresses and e-mail addresses turn into links automatically.
  • Allowed HTML tags: <a> <em> <strong> <cite> <code> <ul> <ol> <li> <dl> <dt> <dd>
  • Lines and paragraphs break automatically.
  • Use the special tag [adsense:format:slot] or [adsense:format:[group]:[channel][:slot]] or [adsense:block:location] to display Google AdSense ads.
  • You may embed videos from the following providers archive, bliptv, dailymotion, google, guba, imeem, lastfm, livevideo, metacafe, myspace, revver, sevenload, spike, tudou, twistage, ustream, ustreamlive, vimeo, voicethread, yahoomusic, youtube, zzz_custom_url. Just add the video URL to your textarea in the place where you would like the video to appear, i.e. http://www.youtube.com/watch?v=pw0jmvdh.

More information about formatting options

Hal xiraale
Waa inaan ogaano inaad qof tahay
8 + 11 =
Solve this simple math problem and enter the result. E.g. for 1+3, enter 4.