Garoonka Muqdisho oo goordhaw ka soo degay Bank-Moon

Muqdisho(GMN)-Waxaa daqiiqado ka hor ka soo gaaray magaalada muqdisho wafdi balaaran oo uu hogaaminayo xoghayaha guud ee qaramada midoobay  Ban-Kin-Moon
Wafdiga Mr Moon ayaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweyey masuuliyiin uu ka mid ahaa Cabdiwali Maxamed Cali Gaas
Wafdiga ayaa waxaa loo sii galbiyey xaruunta Aqalka Madaxtooyada halkaasi oo la filayo inay kulan ku yeeshaan madaxda dowlada iyo xogahaya guud ee qaramada midoobay.
Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa la filayaa inuu qaabilo madaxda ka socota qaramada midoobay oo u hogaaminayo Bank-Moon
Tan iyo saaka ayaa soo dhaweynta qabqabada Mr Ban waxaa laga dareemayey magaalada muqdisho oo si wen amaankeeda loo adkeyey
Wixii warkan ku soo kordha kala soco
Gedo Online News
Gedoonblinenews@gmail.com