Gabay “Qoonsimaad”‏

Asalaamu Walaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu: Salaanta islaamka kabacdi illaahay ayaan mahadinayaa una shukrinayaa in badan, kadibna waxaan ku salinayaa Nabigiisa suuban ee Muxammed c.s.w.
Intaas kabacdina waxaan salaamayaa shaqaalaha shabakada puntlandi.com iyo waliba dhamaan akhristayaasha ku xidhan mareegtan iyo guud ahaan soomaali oo dhan meelkastoo ay dunida ka joogaan. Intaas kabacdi waxaan jeclaystay halkan inaan kusoo gudbiyo tix gabay ah oo aan ugu magac daray “Qoonsimaad” sababta aan ugu bixiyay eraygna waxa weeye macnaha eraygu xambaarsan yahay oo ah Dhibsasho–taas oo aan qoonsaday oo ana dhibsaday inaan ka dhashay
Soomaali aana ku abtirsaday qoladaas inkastoo aanan ka bixi karin ilaahay ii qadaray ayaan ku muujinayaa gabaygan sababta aan u nacay una qoonsaday qabiilka
iyo qaarada aan u dhashay kana soo jeedo. Insha allaah ka bogasho wacan.
Qadar eebe weeyoo koleba waan ku qanac uune
Qof waliba wixii loo qadimay waa qabsanayaane
Qarniyaalna kaa wayn wixii qaadir kuu dhigaye
Qiil looma heli karo wuxuu eebe kuu qoraye
Qalbigaanse ka ilmaynayaa waanan qoonsadaye
Qac markaan ku siiyaba indhaha qaranka soomaali
Qoladaan maxaa kaa dhashaan qunyar ku hugmaaye
Qaaradaas maxaad uga timaan dib ugu qoomaaye
Qaryadaan ku korayn baan nacaa qaabka ay tahaye
Qasab bayse igu noqotay iyo qaado ama diide
Qaabkeeda maahmaahda qoran qalin kasoo gaarka
Qaarjeex hadaan uga dhigoon qaybtan ku asteeyo
Qoom horaa cadeeyo ku yiri qoranta taariikhda
Qadar dhacay quraan iyo wadaad qabar ma baajaane
Qasadkaan ka leeyahayna waa qaadir iga beerye
Qalbigayga baa laga alkumay iyo qaanadaha beerka
Qaali hooyadeey baa ahiyo qurux adoogeeye
Qofna dhiigiisa lama dooriyiyo qoomka uu yahaye
Qardojeex ma fiicnee warkaan soo qabirayaaye
Qoonsimaadka waxa iigu wacan waxay qasaayaane
Qasaaraha dalkii ay badeen iyo qiimo xumadooda
Qarankooda ay baaba,sheen oo qoloba meel aadey
Qaraabadiyo ehelkaan la nacay oo la qaxinaayo
Quman hooyadaas oohintiyo qaaqdu ka idlaatay
Qalanjooyinkaas rooray oo badaha qaar fuulay
Qaarkoodna gaal uu kufsaday quwadna aan haysan
Qaarkalena ay carab dulliyihi qasab ku haystaanba
Qaybtaas ku maqanoo tahriib uu qudhaba gooyay
Qaxootiga intaa yaacayiyo qaadashada cayrta
Qajilaada iyo ceebta iyo qarinta haybtayda
Qalalaasahaan taaganiyo qirriyo maandhaafka
Afartaa qotomiyaye hadaan gabayga qaabeeyo
Qardojeex ma fiicnee warkaan soo qabirayaaye
Qoonsimaadka soomalinimo hadaan qaafka ka cadeeyo
Qoloqolo u dirirkaan jiniyo quwad ku faankooda
Qabyaaladiyo xumaatada intaas lagu qamaamaayo
Quursiga walaalkood muslima oo qiray illaahiisa
Qabwaynaanta aan looba qabin kali is qaadqaad ka
Qaybqaybintiisaa dalkaan ruuxba gobol qaatay
Qoqobkaan magaalooyinkii jiliba qayb goostay
Qilaaf aan dhamaanoo intaas qirriyo may taagan
Qorigiyo dagaalkaan la wado qiilna laga waayay
Qabqablayaashaan dagaalkoo intaa qiiqa kicinaaya
Qayrlaaweyaashaan iscunay oo is qalanaaya
Qolyahaan shariifkoo intaa quudka ku dagaala
Qoomkan baarlamaankoo ayana qaranka ceebeeyey
Qaybaha shabaaboo ayana qubaya dhiigeena
Qaraxaan na maansheeyayoo laysku qarinaayo
Quraankaan intii lagu gabado laysku qatalaayo
Qibradaha is miidaamintiyo dhalintan qiiraysan
Qayaadadan shisheeyuhu wataan oo is qarinaaya
Qayaanadaan gumaystuhu u dagay oo qoorta loo surayo
Qalbi laawenimadoodan baas oo qarniga taagan
Qaafsanaanta ay maqanyihiin qaafilnimadooda
Afartaa qotomiyaye hadaan gabayga qaabeeyo
Qardojeex ma fiicnee warkaan soo qabirayaaye
Qoonsimaadka soomalinimo hadaan qaafka ka cadeeyo
Qurbajoogta taageerayoo qaladka aan reebin
Qaaraanka ugu deeqayoo qalabka sii dhiiba
Qoryahana intaa iibiyoo qoloba meel raacday
Qabiilkeena weeyaan intaas ugu qaraabaaya
Qarankii ilooboo intaas qaxaya oo dhoohan
Qaaradaha aduunyada intaas qululub guuraaya
Qaadan oo sidii ruux la falay qaafsan gabigoodu
Qaadka aabahaan ruugayoo qaadiradu waashay
Qamrigana haduu doono uun qalaf kasiinaaya
Qolofkaa dhexyaal xaafadoon qaban xilkiisiiba
Qalanjadaa qasaaruhu ku dhacay oo qaracan oyda
Qiirada daraadeed midaa lugaha qaadi kari wayday
Qaxarkiyo dhibaatada qabtoo qiil u bixi waayay
Qoysaskaa is wada haysta oo qaladku saameeyey
Qareen tuuga oo aan u nixin qalin ku boobaayo
Qaawanoo waxay korinayeen gaalku ka qafaashay
Qalbigooda kii laga jariyo qaasin laga qaatay
Qamartii iyagu ay dhaleen qamarji loo geeyay
Qaniisiinta loo dhiibayoo looga dhigay qaadim
Qardojeex ma fiicnee warkaan soo qabirayaaye
Afartaa qotomiyaye hadaan gabayga qaabeeyo
Qardojeex ma fiicnee warkaan soo qabirayaaye
Qoonsimaadka soomalinimo hadaan qaafka ka cadeeyo
Qaladaadka aan sheegayoon qiray xumaantooda
Qaarkaloo ka badan baa jiroo aan qarsanayaaye
Qaadirkaan baryaynaa inuu naga dulqaadaaye
Qaraabooy ducaan soo qadimin qaaliyoo culuse
Qaylodhaana eebaan u diran oon u qorayaaye
Qofkastowba aamiinta uun igu quwee maanta
Qoraalkaan hadaad dheehatana qaado xubintaada
Qaadirkii i uumoow adaa quwad u saaxiiba
Qaraarkaagu adiguu socdaa oo qadara howsha
Qof ku tuugay adigaan hungada qadinin waaqaaye
Qasdigayga ducadaan ajiib qaadir baa tahaye
Qalinkana ku duugoo alloow ii qor dhicideeda
Qalbigeena soo toosiyoon garano qaabkeena
Qaladaadka aan wada saxnoon qaranka qiimayno
Qoloqolo alloow naga bogsii qaadir baa tahaye
Qaadirow ilaahow dhibkaan naga dulqaad maanta
Qabiilkaan na daashaday allow uu qabriga jiifto
Qilaafkaan dhexdeena ah alloow qaarad kale aadi
Qaranimadii soomaaliyeed allow qiil u bixi maanta
Qaxootigayga daayacan allow quudi wadartooda
Qayrkoodna gaarsii alloow iyo qaarka nolol fiican
Amiin aamiin aamiin
Qore: Safiyo Aw Axmed Xaaji (Dhalkheyr)
Email: dhalkheyr@hotmail.com