Frank Lampard oo sheegay in uusan jecleysan in uu ciyaaraha ka fiirsado kursiga keydka

Frank Lampard oo sheegay in uusan jecleysan in uu ciyaaraha ka fiirsado kursiga keydka. ciyaaryahanka goolka guusha u dhaliyey Chelsea Frank Lampard ayaa sheegay in uu doonayo in uu si joogta ah u ciyaaro kadib markii uu ku bilowday kursiga keydka ciyaartii 2-1 ay kaga badiyeen Man City. ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer England ayaa soo galay ciyaarta markii ay ka harsanayd 17 daqiiqo isagoo badalay Raul Meireles oo dhaliyey goolkii barbaraha ciyaarta, waxaana uu dhaliyey Lampard goolkii guusha oo ahayd rigoore daqiiqadii 82aad. 33 jirkaan ayaa sheegay inaysan u sahlaneyn inuu kursiga keydka ka soo daawado ciyaarta. “maya kuma faraxsani kursiga keydka,” ciyaaryahankii hore West Ham ayaa u sheegay Sky Sports. “ma ahan mid fudud waxaan doonayaa inaan dheelo. qaab ciyaareed fiican ayaan leeyahay hadii aan si joogta ah u ciyaarayo, si joogta ah u dhaliyo, ciyaar qurxoona aan ciyaari jiray. lakiin haatan marna waan ciyaaraa marna ma ciyaaro, lakiin maxaan ka sameyn karaa?, Waan dareemayaa madaama aan 33 jir ahay, lakiin wax badan ayaan weli qaban karaa, 18 bilood ayaa iigaga hartay halkaan, waana muddo dheer,”. Chelsea waxa ay hada todobo dhibcood u soo jirsatay kooxda hogaanka heyso ee City.
 W/D:Abdirahmaan Muumin (codeey)
 codeey9@hotmail.com
South Africa Cep Town