Fanaaniinta Soomaaliyeed oo Dawladda KMG ah Ugu Baaqay in ay Waxka Qabato Caafimaadka Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame
Muqdisho ( DHM-News ):- Faaniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Dawladda KMG ah ee Soomaaliya in ay wax ka qabato caafimaadka fanaanka weyn ee Cabdi Tahliil Warsame oo siweyn u dhibaataysan.
Faaniintaan oo hadallo ka jeediyey kulan ka dhacay xarunta murtidda iyo madadaalada ee National Tiater ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xaaladda fanaanku marayso meel aad u khatar badan.
Cabdi Tahliil ayaa kulan kasoo qayb galay isaga oo halkaasi ka qaaday mid kamid ah heesaha waddaniga ee uu qaadi jiray xilligii uu caafimaadka qabay ee ay dalka ka jirtay Dawladdii dhexe ee bur burtay.
Fanaanka weyn ee Cabdi Tahliil Warsame ayaa waxaa ku dhacay cudurka faaliga iyo sidoo kale neerfaha, wuxuuna sheegay in uu dhibaayo hadalka.
Sidoo kale fanaanka ayaa waxaa qalalay ama shaqadii joojiyey mid kamid ah labadiis ah dhinac iyadoo uu fanaanku biilo carruur ka badan 10 kuwaasi oo rajo ah ay hooyadood geeriyootay.
Marka laga soo tago Cabdi Tahliil Warsame ayaa waxaa jira fanaaniin kale oo ay dhibaato ku haysto gudaha dalka iyo waddamada deriska ah kuwaasi oo uu kamid yahay Cabdli Cali Bacalwaan oo ku xanuusan magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.
Marwalba Iyo Waqti Walba Dhacdooyinka.com Ka Aqriso Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Soomaliya Si Aad Ulasocto Xaalada Somaliya.
Jaamac Joofane
Jaamacjoofane@gmail.com
Xafiiska Dhacdooyinka Muqdisho
NALA SOO XIRIIR dayax201@hotmail.co.uk

















Comments
Post new comment