Dowladda Ugandha oo xukuntay laba ruux oo ku eedeysnaa qaraxyadii Kampala ka dhacay sanadkii hore

Maxkamadda sare ee dalka Uganda ayaa Labo ruux oo ku eedeysnaa in ay ka qayb qaateen qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda waddankaasi waxa ay ku xukuntay Shan iyo Labaatan sano oo xarig ah.
 
Labadaas ruux ee  lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen qaraxyo lala eegtay dad shacab ah oo magaalada Kambala ku daawanayay Telefishin soo daayay ciyaartii kama danbaysta ahayd ee koobka adduunka  ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Edris Nsubuga iyo Muhamoud Mugisha oo lagu xukumay xabsi gaaraya 25-sano.
 
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Uganda ayaa sheegay in labada ruux maxkamadayntooda ay xigi doonta mid kale oo maalmaha soo socda la soo taagayo 12-ruux oo iyagana la sheegay in ay wax ogaayeen qaraxyadii Kampala.
 
Dadka ay dowladda Uganda u soo qabqabtay falkaasi waxaa ku jiray dhowr ruux oo Soomaali keenyaan ah, kuwaasi oo qaarkood markii dembiga lagu waayay la iska sii daayay, waxaana qaraxyadaasi ku dhintay dad gaaraya 76-ruux.


Comments

Post new comment

  • Web page addresses and e-mail addresses turn into links automatically.
  • Allowed HTML tags: <a> <em> <strong> <cite> <code> <ul> <ol> <li> <dl> <dt> <dd>
  • Lines and paragraphs break automatically.
  • Use the special tag [adsense:format:slot] or [adsense:format:[group]:[channel][:slot]] or [adsense:block:location] to display Google AdSense ads.
  • You may embed videos from the following providers archive, bliptv, dailymotion, google, guba, imeem, lastfm, livevideo, metacafe, myspace, revver, sevenload, spike, tudou, twistage, ustream, ustreamlive, vimeo, voicethread, yahoomusic, youtube, zzz_custom_url. Just add the video URL to your textarea in the place where you would like the video to appear, i.e. http://www.youtube.com/watch?v=pw0jmvdh.

More information about formatting options

Hal xiraale
Waa inaan ogaano inaad qof tahay
5 + 2 =
Solve this simple math problem and enter the result. E.g. for 1+3, enter 4.