Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay dhalinyaro ka soo goosatay Xarakada Al Shabaab “Daawo Sawirada”

Dowladda kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay maanta ay soo bandhigtay muuqaalka laba dhalinyaro, oo ay sheegtay inay iskaga soo goosteen Xoogaga Shabaab.
Hay’adda Nabad Suggida ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta ay warbaahinta u soo bandhigtay laba wiil oo dhalinyaro, oo shalay ka soo goostay dhinaca Xarakada Al Shabaab, oo uu Dowladda Soomaaliya kala dhaxeeyo dagaalo aad u kulul.
Agaasimaha Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, oo saxaafada kula hadlay goobta ay ku soo bandhigeen labaan wiilal, ayaa wuxuu sharaxaad uu ka bixiyay sida ay ugu soo biireen Dowladda Soomaaliya.
Marka hore wuxuu sheegay in labadaan wiil ay la-soo xiriireen waalidiinta dhashay, ayna u sahleen inay xiriiro la-soo sameeyaan Dowladda Soomaaliya, isla-markaana sidaasi ayaa wuxuu sheegay inay ugu soo biireen Dowladda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay inay wateen laba qoryo oo AK47 ah, isla-markaana wuxuu tilmaamay inay midkiiba uga iibiyeen 3,00 oo dollarka Maraykanka ah, isla-markaana ay sidaasi uga qaadeen hubkii ay wateen, iyadoo uu baaq u diray Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ee ku sugan caasimadda.
Ugu dambeen Agaasimaha Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, isagoo ku booriyay inay isku soo dhiibaan Dowladda Soomaaliya.




Comments

Post new comment

  • Web page addresses and e-mail addresses turn into links automatically.
  • Allowed HTML tags: <a> <em> <strong> <cite> <code> <ul> <ol> <li> <dl> <dt> <dd>
  • Lines and paragraphs break automatically.
  • Use the special tag [adsense:format:slot] or [adsense:format:[group]:[channel][:slot]] or [adsense:block:location] to display Google AdSense ads.
  • You may embed videos from the following providers archive, bliptv, dailymotion, google, guba, imeem, lastfm, livevideo, metacafe, myspace, revver, sevenload, spike, tudou, twistage, ustream, ustreamlive, vimeo, voicethread, yahoomusic, youtube, zzz_custom_url. Just add the video URL to your textarea in the place where you would like the video to appear, i.e. http://www.youtube.com/watch?v=pw0jmvdh.

More information about formatting options

Hal xiraale
Waa inaan ogaano inaad qof tahay
1 + 16 =
Solve this simple math problem and enter the result. E.g. for 1+3, enter 4.