Dowladda Shiinaha oo ka qeyb qadaneysa dib u dhiska Soomaaliya

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay  in ay diyaar u tahay ka qeyb qaadato dib u dhiska Soomaaliya iyo xal u raadinta xasaradaha Soomaaliya, sida ay sheegtay wasaaradda Arrimaha dibedda ee dowladda Shiinaha.
Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda ee dowladda Shiinaha Liu Weinmin ayaa tilmaamay in ay dareen gooni ah ay siinayaan Soomaaliya ayna rejo ka qabaan meel marinta qorshayaal cusub oo dowladda Shiinuhu Soomaaliya ay ugu talagashay.
Mr.  Liu waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay kor u soo kaceyso ayna soo gaartay xili aduunku ay ku taageero dhab ah siinayaan nabadda ka hor muuqaneysa  oo keetay in dareenka caalamku Soomaaliya u soo jeesto.
Waxaa soo badanaya wadamada taageersan in xalka burcad badeeddu uu ku jiro in Soomaaliya laga taageero ciidamada badda,  waxaan qorshahaas uu yahay mid dowladda Soomaaliya ay horay u soo jeedisay in laga gacan siiyo la dagaallanka  burcad badeedda.
Rushka oo ka mid ah wadamada Maraakiibtiisu ay Soomaaliya joogayaan ayaa sidoo kale qorshahaas taageeray in burcad badeedda bariga lagula  dagaallamo.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
 
Yurub                                            +442035190460
 
USA & CANADA                         17124327760