Dowladda oo sheegtay in duqeymaha Gobolka Shabeellaha Hoose aysan joogsan doonin, oo ay sii socon doonaan?

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay dilka Sabtidii Deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaaladda Muqdisho loogu geystay Bilaal Albarjaawi, ayaa waxay daboolka ka qaaday inay sii socon doonaan duqeymaha xoogan ee xilligaan ku soconaaya.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay horey Wadamada horumaray ay uga codsaday inay duqeymo xoogan ka geystaan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo markaasi lala beegsanaayo Saraakiisha Al Shabaab iyo Al Qaacida.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Qaadir Maxamed Nuur “Siidii”, oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay sii socon doonaan duqeymaha xoogan ee lagu garaacaayo Gobolka Shabeellaha Hoose.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in duqeymaha lala beegsanaayo Saraakiisha Al Shabaab iyo Al Qaacida, kuwaa oo uu xusay inay ku soo duulleen dalka Soomaaliya, balse wuxuu carabka uu ku adkeeyay in dalka Soomaaliya laga sifeyn doono.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay inaysan joogsan doonin duqeymaha xoogan ee lagu garaacaayo Gobolka Shabeellaha Hoose, ilaa laga sifeeyo buu yiri Saraakiisha Al Qaacida iyo Al Shabaab.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Qaadir Maxamed Nuur “Siidii”, ayaa wuxuu shacabka uu ugu baaqay inay iskaga fogaadaan goobaha ay ku badan yihiin Al Shabaab.