Dowladda Masar oo soo jeedisay in faragelinta laga daayo Soomaaliya

Dowladda Masar ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay xal siyaasadeed oo loo helo Soomaaliya si wax looga qabto dhibaatada heysata dadka Soomaalida.
 
Safiirka u fadhiya dalka Masar magaalada Ganeva oo lagu magacaabo Hiishaan Beder ayaa sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya laga daayo faragelinta si buu yiri ay cagaheeda isugu taagto.
 
“Waa lagama maarmaan in xal waara loo helo Soomaaliya, gaar ahaan sidii amaan iyo kala dambeyn loogu soo celin lahaa Soomaaliya, taas oo xal u ah mushkiladda qaxootiga Soomaalida ah ee ku kala firarsan dhibaatada dunida” ayuu yiri Hishaam Beder.
 
Waxa kale Hishaam Beder uu sheegay in dalalka dunida looga fadhiyo sidii xal waara loogu raadin lahaa arrimaha Soomaaliya ee murugsan, isla markaasna laga joojiyo Soomaaliya faragelinta tooska ah ee lagu hayo, wuxuuna intaasi ku daray in Masar ay ka qeyb qaadanayso wax ka qabashada arrimaha murugsan ee Soomaaliya ka taagan, gaar ahaan arrimaha gargaarka.