Dowladda Kenya oo eedeyn kulul u jeedisay dowladda KMG Soomaaliya
Dowladda Kenya ayaa waxay ku eedeysay dowladda KMG Soomaaliya inay wax ka qaban weysay xatooyada ciidamada dowladda KMG ay u geystaan gargaarka loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Kenya, Faarax Macalin Dawaara ayaa wuxuu sheegay in madaxda sare ee dowladda KMG ay wax ka qaban waayeen dhaca joogtada ah ee loo geysto gargaarka binni’aadannimo ee loogu tala galay dadka barakacay ee ku dhibaateysan xeryaha ku yaala magaalada Muqdisho, wuxuuna ku dhaliilay mas’uuliyiinta dowladda KMG inay tagaan xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha marka ay geynayaan halkaas dadka ajanabiga ah oo ay soo tusayaan xeryahaas.
“Haddii ay dhacdo in cid ka tirsan dowladda KMG ay lugaha la soo gasho dhaca loo geysanayo gagaarka loogu tala galay dadka dhibaateysan ee Soomaaliyeed, taasi waxay noqoneysaa xadgudub ay dowladdu geysaneyso, mana loo cafin doono, mar ay ahaatana waa lagula xisaabtamayaa” ayuu si kulul u yiri Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin Dawaara.
Sidoo kale waxa uu Guddoomiye ku-xigeenku sheegay in dembi kasta oo ka dhaca Soomaaliya, gaar ahaan dhibta iyo dhaca loo geysanayo dadka barakacayaasha ah ay tahay mid lagula xisaabtami doono dowladda KMG Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay mas’uuliyiinta dowladda KMG inay xil gaar ah iska saari waayeen sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadka dhibaateysan ee Soomaaliyeed.

















Comments
Post new comment