Dowladda Itoobiya oo shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya ay ka jirto xaalad khatar ah
Dowladda Itoobiya oo deris wadaag la-ah dalka Soomaaliya, ayaa waxay shaaca ka qaaday in xaalad adag ay ka jirta dalka Soomaaliya, loona baahan yahay in Beesha Caalamka ay si deg deg ah wax uga qabato.
Raa’isal Wasaare ku Xigeenka Dowladda Itoobiya Helia Mariam Desalegn, oo ka qeyb gallay Shirka Golaha Ammaanka ee ka socoanayay magaaladda New York ee dalka Maraykanka, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in xaalad aad u khatar badan ay ka jirto dalka Soomaaliya.
Raa’isal Wasaare ku Xigeenka ayaa wuxuu sheegay in abaaraha baahsan ee maanta ka jira dalka Soomaaliy ay yihiin kuwo halis ah, isla-markaana wuxuu sheegay haddii aan waxba laga qaban inay keeni karayaan dhibaatooyin hor leh.
Beesha Caalamka ayaa wuxuu ugu baaqay inay si deg deg ah wax uga qabtaan abaaraha ka jira dalka Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay qarashaadka ay Beesha Caalamka ugu talla gashay abaaraha Soomaaliya inaysan waxba ka qaban kareyn, isagoo ku booriyay inay gargaarka kordhiyaan.
Helia Mariam Desalegn ayaa wuxuu xusay in lagama maarmaan ay tahay, in gargaarka la-gaarsiiyo goobaha ay ku sugan oo idil, dadka Soomaaliyeed ee ay maanta abaaraha ku saameeyeen qeybaha kala duwan ee dalka Soomaaliya.
Beesha Caalamka ayaa waxay abaaraha dalka Soomaaliya ay ugu talla gashay qiima gaaraaya, labo boqol siddeed iyo toban milyan oo dollarka Maraykanka ah “$218Us”, hadana waxaa la-sheegayaa in lacagahaasi aysan waxba ka tareyn abaaraha maanta ka jira dalka Soomaaliya.

















Comments
Post new comment