Dowladda Burundi ayaa sheegtay in Ciidamo hor leh ay usoo dirayaan gudaha wadanka Soomaaliya, halka kuwii hore dayacan yihiin

Dowladda Burundi ayaa sheegtay in Ciidamo hor leh ay usoo dirayaan gudaha wadanka Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidamadooda ku sugan magaalada muqdisho kuwaas oo dagaal kula jira xarakada Al-shaab qeybna ka ah kudhaawad 10-kun oo ciidamada AMISOM oo ka kala socda dalalka Burundi iyo Yugandha.
Afhayeenka wasaaradda Gaashandhiga ee dowladda Burundi Gaspard Baratuza ayaa waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya ay u dirayaan 1000, Askari kuwaasi oo uu sheegay inay xoojinayaan ciidamda AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Gaspard Baratuza ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in ciidamada ay u soo dirayaan dalka Soomaaliya uu qalabkooda u dhameystiran yahay waxaana uu ka dhawaajiyey in goor dhow ay soo gaarayaan dalka Soomaaliya.
Baratuza ayaa waxa uu ugu baaqay Ururka Midowga Afrika inay laba jibaaraan dagaalada lagula jiro Xarakada Al Shabaab, waxaana uu sheegay inay ka go’an tahay gacan ku dhigidda magaalooyinka ay gacanta ku hayaan AL Shabaab ee Koofurta dalka Soomaaliya.sida uu yiri
“Askarteena waxa ay diyaar u yihiin inay la dagaalamaan Al Shabaab, AMISOM waxa ay qorsheyneysaa inay qabsato magaalooyinka AL Shabaab ay gacanta ku hayaan sida magaalada Kismaayo, Afmadow, Baydhabo iyo magaalada Afgooye taasina waa ay naga go’an tahay” sidaasi waxa yiri Afhayeenka wasaaradda Gaashandhiga ee dowlada Burundi Gaspard Baratuza.
Ugu dambeyn Baratuza ayaa waxa uu ka dalbaday beesha caalamka inay taageeraan ciidamada AMISOM ee dagaalka kula jira xarakada Alshabaab waxaana go,aanka burindi uu yimid kadib markii dhawaan ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan ciidamada dalka Burundi in askar kabadan 70 askari ay kaga dhinteen ciidamada Burundi dagaalkii ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada muqdisho