Diyaaraha Kenya oo markale xasuuqay Shacabka Balanbale, Qabri-bayax iyo Takar
Diyaarado dagaal ayaa duqeeyay dad shacab ah oo dagan deegaannada Balanbale, Qabri-bayax iyo Takar oo u dhexeeyay degmada Baardheere iyo deegaanka Busaar ee gobolka Ged iyo deegaano ay deganyihiin dadkaas rayidka ah.
Duqeynta oo dhacday barqadii shalay, ayaan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha soo gaadhay shacabkaas, waxaana si waydiin mudan maxay galabsadeen dadka la xasuuqo maalin kasta ee dhinaca cirka.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, walow saraakiisha ciidamada dowladda Kenya ee ka howgalaya Soomaaliya ay sheegeen in ay bar-tilmaameedsan doonaan saldhiygada al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya, oo aan illaa hada la hayn meel ay joogoon Al-shabaab.
Diyaarado dagaal oo ay Kenya leedahay ayaa 20-kii bishan duqeeyay Shacab aad u diro badan dagan deegaanka Hoosingow oo 90 kilo mitir u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, iyadoo dhaawac yadii shacabkaasi la la geeyay magaalada Kismaayo oo hada lagu daweynayo.
Ciidamada Kenya ayaa aad ugu baqay inay lugta ku dagaalamaan, Lakiin waxay wadaan xasuuq aan Dowlad iyo Baarlamaan toona uu san ka hadlayn shacabkan sida gaar ah loo xasuuqayo, Waxaa kale oo aan wali lahayn Jabtikara dhigay Amisom inay yeelato diyaaro Millatari oo lagu isticmaalo dalka soomaliya, waxaan kale oo la keenin baarlamaanka soomaliya waraaqihii ay dowlada kenya ay ku soo gashay soomaliya iyo shaqdii ay samyn lahayd, waxaasi oo dhan illaa hada lama hayo jawabaheedkii .
Kala soco Radiowidhwidh, waxii ku soo kordha.
















