Diyaarado dagaal oo maanta duqeeyay degmada Ceelbuur ee Galgaduud

Diyaarado dagaal oo aanay cidi ogeyn halka laga leeyahay ayaa maanta duqeyn xoogan ka geystay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, iyadoo warar is khilaafsan ka soo baxayaan weerarka ay geysteen diyaaradahaas.
Wararka ayaa intaa ku daraya in diyaaradahan ay duqeeyeen degmada saaka barqadii, kadib markii dhowr jeer ay dul martay degmada.
Ilaa iyo hada ma cada qasaaraha ka dhashay duqeynta, hase ahaatee meelaha la bartilmaameedsaday ayaa waxaa ka mid ah Saldhiga degmada Ceelbuur iyo bartamaha degmada.
Dhinaca kale Isgaarsiinta Gobolka Galgaduud ayaa hawada laga saaray, taasoo aan si dhab ah loo ogeyn sababta looga saaray, hase ahaatee waxay tan sare u qaadeysaa xiisad weyn.
Deegaano ka tirsan degmada Ceelbuur iyo deegaano kale ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay lagu arkayay diyaaradaha joog hoose ku socday, iyadoo Ceelbuur Shabaab u tahay xarun muhiim ah.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa diyaaradaha is wada ee Mareykanka leeyahay ayaa weeraro cirka ah ka geystay deegaano ka tirsan Jubooyinka oo ay ku beegsadeen saldhigyo Shabaab lahaayeen.