Dibad bax Lagu Taageerayay Howlgallada Ciidamada XDS Oo Ka Dhacay Wardhiigleey
Dibadbax ballaaran oo lagu taageerayo guulaha isdaba jooga ah ee ay ciidamada qaranku ka gaarayaan howlagalada ka socda gobollada dalka ayaa maanta ka dhacay degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho
Dibadbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen shacabka dagmada Wardhiigleey ee Gobalka banaadir ayaa wxaa uu ka dhacay xarunta dagmada Wardhiigleey waxa na lagu taageerayay howl gallada ciidamada qalabka sida ay dalka kaga xoreeynayaan maleeshiyada kooxda alshabaab waxaana ka qeeyb galay dibad baxan guddoomiye ku xigeenka koowaad ee dhinaca arimaha bulshada iyo siyaasadda guddoomiyaha dagmada Wardhiigleey, ururada haweenka iyo nabaddoonnada Soo maaliyeed.
Bannaan baxan ayaa intii uu socday waxaa maamulka degmada Wardhiigleey ku soo bandhigay bustooyin loogu talagay cidamada qalabka sida si ay uga galaan dhaxanta.
Guddoomiyaha degmada Wardhiigleey marwo Deeqo Cabduqaadir Axmad ayaa sheegay in shcabka degmadu ay u istaageen taageerada ciidamada waxa ayna ugu talagaleen Bustooyin iyadoo ugu baaqda shacabka reer war dhiig leey in ay u istaagaan nabadda.
Dibadbaxan ayaa waxa uu qeeyb ka yahay dadalka shacbka ku dhaqan gobalka Banaadir ay ugu ji raan sidii ay u garab istaagi lahaayeen ciidamada qalabka sida ee ee ku hoowlan in ay dalka ka xoreeyaan kooxda al shabaab.
















