Dhalinyarta Iyo Hormarka Dalka
Rajaa soo mudhtidhi iyo reexaan udgoon.
ragbaa soo badali raqayadan talada haysa.
Cududa dhalinyarta ayaa wadan horemarisa mid kalena dib dhigta. caqliga cusub ee fayaw iyo xooga dihin ee dhalinyarta hadii sidii loo baahnaa looga faa,iidaysto waxaa hubaal ah in bulshada arinta ku talaabsataa kor u dhaafto kuwa lamidka ah ee aan ka faa,iidaysan dhalinyarteeda.
in kasta oo qorshe haboon aan dawladeena somaliland ka lahayn dhalinyarta duruufo dhaqaale oo waxbadan caqabad ku ahna jiraan hadana waxaa iftiimaya rajo wanaagsan oo la filayo in waxbadan dhalinta soo kacaysaa in wadanka ka badasho. sanad walba waxaa dugsiyada, jaamacadaha dalka iyo kuwa dibadaba ka qalinjabiya kumanaan arday reer somaliland ah kuwaas oo fikir iyo aqoonba la gole imanaya wadankana ku soo biirinaya awood iyo dhiig cusub.
inkasta oo camal yaraan wadanka ka jirto fursadaha shaqo ama ganacsi lagu abuuri karaana iska kooban yihiin hadana waxaa dhigeeda muuqda sida tartiib tartiibta ah ee wax walba isu badalayaan maalinbana talaabo loo qaadayo. waxaana marag madoon ah in dhalinyartu doorka ugu wayn ka ciyaartay hormarka wadanka taas oo tusaaleha koobaad aytahay kaalintii ay ku lahaayeen isbedelkii ka dhacay dalka 2010 ee lagu doortay dawladii uu xisbiga kulmiye hogaamiyaha ka yahay. gacanta xaqsoorka iyo cadaaladu ku jirto ee ay sida dhexdhexaadka ah ugu shaqeeyeen dhamaan asxaabtii tartamaysay iyada oo ay halku dhegoodu ahaa ‘Cadaalad, hawlkarnimo iyo dhabar adayga’ ayaa rajo badan oo mustaqbal u ahayd dhamaan umada reer somaliland. dhacdadaas waxay markhaatiga u furtay in waji cusub oo badalidoona wajiyadan imika ee lagu bartay cadaalad darada, khiyaamada iyo lunsiga hantida umada uu soo socdo. dhawaana talada wadanka ay gacanta ku dhigidoonaan lod wadaniyad leh oo hormarka jecel.
hadiiba dhaqaale xumada iyo maamul xumada haatan taagan si baahsan wadanka u ragaadisay saamaynta ugu wayn waxay ku leedahay dhalinyarta oo iyagu ku jira marxaladii ay gacan qabad u baahnaayeen si hadhaw iyaguna ay u gudaan, waajibaka dalkooda iyo dadkoodan uga soo baxaan. sababkastoo jirta iyo duruufkastoo adag hadana waxaa jooga dhalinyaro iska dhicisay nolosha oo iyagau isa soo saaray.
waxaan qoraalkan kooban ku soo gabagabaynayaa “Hadduu geed engago xaabadaa laga idlaystaaye midyaroo iniintiisa ah baa soo awaal baxa” X. Adan Afqalooc. dhirtan engegtay ee la engegtay dhiigii dadwaynaha iyo xaq aanay lahayn waxaa badalidoona lod cusub oo caqli fayaw iyo cilmi u diyaara in ay umada ku hogaamiyaan.
Qalinkii: Xamse Cisman Xasan (xamse leeb)
xamseleeb@hotmail.com
Share

















Comments
Post new comment