Dhaawacyada ka dhashay dagaaladii ka dhacay duleedka Buuhoodle oo la keenay Galkacyo

DaabacoSaaxib u dir

Isbitaalka guud ee Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug ayaa la gaarsiiyay dhaawcayadii ka dhashay dagaal labadii maalmood ee u dambeeyay ku dhex marayay Ciidamada Maamulka Somaliland iyo Ciidamada Maamulka Khaatumo State.
Sida ay sheegayaan wararka dhaawacyada oo gaaraya 21-ruux oo isugu jira dad rayid ah iyo dhinacii dagaalka ku lugta lahaa ee Ciidamada Maamulka Khaatumo ayaa waxaa mid ka mid ah uu ku geeriyooday intii loo soo waday magaalada.
Dhaawacyadan oo qaarkood ah kuwo liita ayaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Magaalada Galkacyo oo habeenimadii xalay la soo gaarsiiyay, waxaana ku jira dhaawacyo rasaasta ka haleeshay meelo halis ah.
Saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaalka ayaa sheegaya in dhaawacyadan u badan yihiin kuwo soo dhiig baxay, qaarkoodna ay suura gal tahay inay u baahdaan dhiig.
Dhinaca kale dhaawacyo ku dhow afartameeyo ka tirsan Ciidamada Somaliland ayaa iyana la geeyay Isbitaalka Magaalada Hargeysa, halkaasoo ay ku booqdeen Saraakiil ciidan iyo Ehelada dhaawacyada.
Dagaalkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Fool-Joogto ayaa waxaa uu ahaa mid kulul oo labada dhinac ay faraha ugu gubteen, iyadoo ay ku dhinteen in ka badan 50-ruux oo isugu jira labada dhinac ee dagaalamayay.