Degmooyinka Yaaqshiid Iyo Dharkeynleey Oo Ciyaar Kama Dambeys Ah Galabta Ku Dhex Mareeyso Studi Konis
Tartankii cayaaraha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa galabta lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo garoonka cayaaraha Istaadiyo Koonis halkaas oo ay cayaarta kama dambeysta ah isku arki doonaan degmooyinka Dharkeynley iyo Yaqshiid ee gobolka Banaadir.
Ciyaartan galabta dhex mareeysa degmooyinka Yaaqshiid iyo Dharkenley ayaa gebagebo ah u ah ciyaarta tartanka degmooyinka gobolka banaadir oo todobaadyadii la soo dhaafay ka socotay garoonka Kubbadda cagta ee Studio Konis.
Duhurnimadan ayaa garoonkaasi waxaa ku sii sugan kumannaan dadweyne ah kuwaas oo isugu jiraa taageerayaasha Labada degmo iyo dadweeyne kale oo iyagu xiiseeya ciyaaraha halka qulqulka dadweynaha ku sii jeeda garoonkaasi laga dareemayo waddooyinka Muqdisho.
Tikadhada ayaa ciriiri noqday waxaana dadku ay tubanyihiin irridaha hore ee garoonka kuwaas oo sugaya tikidhada ciriiriga ah, iyadoo dhinaca amaankana ay sugayaan ciidamada Booliiska waxaana galabtaasi ciyaartaasi ka qeybgalaya mas’uuliyiinta ugu sarreysa dalka kuwaas oo koobka guddoonsiin doona degmadii guuleeysata.
Halkan Kala Soco Natiijada Ciyaarta iyo Sawirradaba.
















