DEG DEG: Madoobe Nuunow oo loo doortay gudoomiyaha Baarlamaanka
Waxaa goor dhoweyd la soo gaba gabeeyay doorashadii xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka oo xildhibaanada Baarlamaanka ee xilka ka qaaday Shariif Xasan ay ku dooranayeen Xarunta Golaha shacabka, iyadoo kulanka Xildhibaanada uu maanta ahaa kii ugu dheeraa oo muddo sideed saacadood qaatay.
Doorashada xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka oo durba la guda galay markii Xildhibaanada ay xilka ka qaadeen Gudoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudeey ayaa waxaa goobta la keenay sanaadiiqda doorashada oo ilaa lix xildhibaan ay musharax ahaayeen, hase ahaatee Xildhibaan C/casiis Lafta Gareen uu tanaasulay.
5-xildhibaan oo tartamayay ayaa 287-xildhibaan oo xaadir ku aheyd fadhiga ay bilaabeen inay si qarsoodi ah sanduuq ugu codeeyeen Xildhibaanada.
Wareega 1aad ee doorashada ayaa waxaa hogaaminayay Madoobe Nuunow Maxamed, oo helay 130-cod, iyadoo ay ku soo xigeen musharaxiinta kala ahaa Xuseen Cumar oo 33-cod, lahaa, Sheekh Nuur Cali Aadan, 16-cod, Maxamuud Macalin Yaxye 63-cod Cali Afgooye 16-cod.
Intaas kadib inta aan la guda gelin wareega 2aad ee doorashada ayaa waxaa waqtiga oo ahaa mid aad u ciriiri ahaa, xilligana uu ahaa maqribnimo isla markaana tirada codadka uu ku hogaaminayay aheyd mid aad u badan ayaa qaar ka mid ah musharaxiintii la tartamayay ay tanaasuleen, taasoo uu ku helay Madoobe Nuunow hogaamintii wareega 1aad inuu ku noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Xarunta Golaha shacabka ayaa kadib waxaa is qabsaday sacab ay Xildhibaanada isla heleen, kadib markii lagu dhawaaqay in Madoobe Nuunow uu yahay gudoomiyaha Baarlamaanka, kadib markii xildhibaanada ay 13-kii bishan xilka ka qaadeen Shariif Xasan.
Kulanka ayaa la soo xiray, iyadoo lagu balamay kulan kale oo lagu dhaarinayo
Gudoomiyaha cusub, laguna soo dooran doono Gudoomiye kuxigeenka 1aad, waxaana si saraaxad leh Madoobe Nuunow loogu gelbiyay Kolonyada AMISOM oo sida la ogsoon yahay Madaxda Dowladda ay ilaaliyaan, taasoo ka dhigeysa in Ciidamada AMISOM durbaba aqoonsadeen Madoobe Nuunow Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
















