Deegaano ka tirsan Puntland oo dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay uu ka dhacay
Hal qof ayaa geeriyooday afar qof kalena waxaa soo gaaray dhaawac kadib dagaal shalay galab labo beelood ku dhex maray degaannada Uubaale iyo Laamalooyaale oo hoostaga degmada Rako ee gobolka Karkaar.
Duqa degmada Rako Faarax Maxamuud Ibraahim ayaa sheegay in colaadda labadaas beelood ka dhex qaraxday ay tahay mid salka ku heysa dhul daaqsimeed ku yaala deegaan lagu magacaabo Xinbiyaalo oo ku yaala inta u dhexaysa degaannadda Xunbays iyo Uurjire.
Mr. Faarax waxa kale oo uu sheegay inay jiraan ciidamo labada dhinac ka tirsan oo goobtii dagaalku ka dhacay isugu hub uruursanaya, isla markaasna ay jiraan ergooyin waxgarad iyo nabadoono isugu jira oo ku baxay degaanka uu shalay iska hor imaadku ka dhacay si loo dhexdhaxaadiyo dhinacyadii ay xurgufta dhex martay, loogana hortago in dhibku uu intaas ka sii bato.
Si kastaba ha ahaatee xilliyada roobabku ay da’aan waxaa inta badan dalka Soomaaliya ka dhaca dagaalo dhex mara dadka reer guuraaga iyo xoola dhaqatada u badan ee ku dhaqan degaanada miyiga, dagaaladaas oo inta badan ah kuwo ka dhasha daaqa iyo biyaha.
















