Dareen Cabsiyeed oo Soo Wajahay Burcada Haysa Michael Scott iyo Deegaanka Camaara oo Lageeyay.

DaabacoSaaxib u dir

Galkacyo(Puntlandi.com);- Wariye Michael Scott oo dhawaan kooxo Burcad’badeeda aka afduubteen koonfurta magalada Galkacyo ayaa Burcadii gacanta ku haysay geeyeen deegaanka camaara ee Gobolka Mudug.
Maleeshiyada gacanta ku haysaa Michael Scott oo ahaa ilaaladiisa gaarka ahayd oo sugaysay amaankiisa intii uu hawlaha shaqo u joogay koonfurta Galkacyo ayaa maalinba meel ku hayay waxaana wal walkii ugu xooganaa uu soo foodsaaray hawlgalkii kumaandooska marayka ku soo furteen shaqalihii Hay’ada DDG.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Burcad’badeeda har iyo hoyaad katageen waxaana ay ka cabsiqabeen weeraro kale oo kaga yimaada Dawlada Maraykan madama saxafigan dhalasha ahaan uu ka soo jeedo.
Dareen cabsiyeed iyo wal wal baahsan ayaa soo foodsaaray Burcada waxaana hada ay diyaarinayaan tabo ama qorshayaal ay kaga bad’baadaan hadii weeraro lagu soo qaado oo ay san u halaagsamin sida asxaabtoodii ka horaysay.
Hogaamiyaha mamulka koonfurta Galkacyo ayaa isku dayay in uu wadahadal toosa lagalo Burcad’badeeda hadana waxaa wararka sheegayaan in ay is afdhaafeen Burcadiina ka guureen guud ahaan fariisinkooda.
Caalin ayaa ku soo hungoobay qorshahaa waxaana wararka qaar sheegayaan in afduubayaasha ay kamidyihiin ilaaladii Madaxwaynaha mamulka koonfurta Galkacyo Axmad Maxamed Calin.
Warar kale ayaa sheegaya in Burcad’badeeda ay qorshaynaayaan in Michael Scott  ay saaraan Markab kamida kuwa ay afduub ahaanta u haystaan halkaa ay ku hayaan ilaa inta ay ka helayaan madax furashada ay dalbadeen Barigana aysan isku aaminikarin.
Puntlandi.com Galkacyo.