Dagaalo xoogan oo caawa magaaladda Muqdisho ku dhex maray Ciidamadda Amisom iyo Shabaab
Dagaalo xoogan ayaa waxay caawa ka dhaceen Magaaladda Muqdisho, kadib markii Xoogaga Shabaab ay weeraro qorsheysan ku soo qaadeen fariisimo ay lee-yihiin Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.
Dagaalada ayaa waxay xoogoodu ka dhaceen Saldhiga Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, isla-markaana dagaalada ayaa waxay labada dhinac ay isku adeegsadeen noocyada kala duwan ee hubka.
Dagaalada oo si weyn looga maqlaayay Magaaladda Muqdisho, ayaa waxay Xoogaga Shabaab gantaalaha garbaha laga tuuro ee sabanada loo-yaqaano ay ku garaaceen fariisimaha Ciidamadda Amisom.
Wararka ayaa waxay sheegayaan xilli dagaalada ay si xoogan ku soconayaan, inay si toos ah ugu soo biireyn Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee fariisimaha ku leh Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Guutada Koowaad ee Ciidamadda Xoogga Dalka Somaliyeed.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalada oo soconaayay muddo dhan hal saac oo buura ah, ay khasaarooyin ka soo kala gaareen dhinacyada sida weyn leh caawa ugu dagaalamay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, inkastoo aan wax faah faahin ah laga heyn khasaaraha rasmiga ah ee ay dagaaladaan geysteen.
Al Shabaab ayaa waxay maal-mahaan ay weeraro xoogan ay ku heysaa dhinacyada uga soo horjeeda gacan ku heynta Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya, mana jirto cid ka hadashay dagaalada caawa ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Wixii ku soo kordha kala soco wararkayna dambe.
















