Dagaal culus oo saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Dagaalkani ayaa sakay ka dhacay gudaha Degmada Heliwaa gaar ahaan saldhiga degmadaasi ee gobolkanai Banaadir.
Sida ay sheegayaan wararka aynu ka helayno Degamada Heliwaa waxaa saakay waaberigii ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ururka Al-shabaab taasi oo ay dadka deegaanka sheegayan in weerarka dagaalka ay soo qaadeen ururka Al-Shabaab.
Goobjooge ku sugan Degmada Heliwaa oo aan saakay qadka teleefoonka kula xiriirnay si aan dagaalkaasi wax badan uga ogaano ayaa noo xaqiijiyay in dagaalka uu sakay ka dhacay gudaha degmada Helwaa ilaa isgooska excontrol Balcad, Waxa uuna sheegay goobjoogahani in dagaalka uu yahay mid xoogan islamrkaana dadka cabsi galiyay.
Guddoomiyaha Degmada heliwaa Cumar Jacfaan oo aan telefoonka kula xiriirnay si aan wax badan uga ogaana dagaalkaasi waxa uu u sheegay in dagaalka uu saakay ka dhacay gudaha degmada heliwa islamarkaana ay soo qaadeen kooxo uu ku tilmaamay kuwii lagaga adkaaday Muqdisho waxa uuna sheegay in ay la kulmeen iska cabin xoog leh oo ku aadan dagaalkaasi ay soo qaadeen Al-shabaab.
Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Cumar Jacfaan ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan Al-shabaab laga saari doono Degmada heliwaa ee gobolka Banaadir iyo guud ahaan Magaalada Muqdisho isagoo sidoo kale sheegay in ay barteen daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka udhigay.
Dagaaladani ayaa saakay waaberigii waxa ay ka dhaceen degmada heliwaa gaar ahaa saldhigga degmadaasi kaasi oo ay soo qaadeen Ururka Al-shabaab waxaana dhammaan dadkii dib ugu noqday degmadaasi heliwaa ay saakay kusoo tooseen rasaas calculus oo ay isweeydaarsanaayan labada dhinac ee dirirtu u dhaxayso.
Dagaalkii saakay ayaa waxa uu sababay dhaawaca ilaa 2qofood oo rayid ah kuwaasi oo dhaawacyadooda sida ay wararku sheegayaan loola cararay isbitaalka keydsaneey ee ku yaala degmada kaaraan ee Magaalada muqdisho, waxana uuna dagaalkan daba socdaa Dagaal kale oo habeenimadii Xalay ka dhacay gudaha Degmadaasi.
















