Dadka barakacayaasha ee ku dhaqan duleedka Dharkeenley oo ka cabanaya madaafiicda habeenkii

DaabacoSaaxib u dir

Iyadoo habeenadii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ay joogto ka noqdeen madaafiicda iyo iska hor imaadyada ayaa waxaa isa soo taraya walaac ay ka muujinayaan dadka ku dhaqan duleedka degmada Dharkeenley oo noqday kuwo ugu badan ee saameyay madaafiicda.
Mid ka mid ah Odayaasha deegaanka oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay in dhibaato weyn ay ku qabaan madaafiicda habeenkii la si weydaarsada.
Madaafiicda ayaa ah kuwo Ciidamada AMISOM xoogooda ridaan, waxaana deegaanada Kaxda iyo Abagado noqdeen kuwo labada dhinac madaafiicdooda ay soo kala gaaraan, waxaana taas ay sababtay in dadka ay bilaabaan inay barakacaan.
Gudoomiyaha degmada Dharkeenley Macalin Cabdulle Cali Hilowle ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dadka madaafiic ka soo dhex ridaan, isagoo xusay in xuduuda u dhaxeysa Dharkeenley iyo dhanka Shabellaha Hoose madaafiicda ay ka yimaadaan.
Macalin Cabdulle ayaa sheegay in ammaanka degmada uu soo reynayo, isla markaana Ciidamada ay sugaan nabadgelyada, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in xilliyada habeenkii ay duleedka degmada ka dhacaan madaafiicda ay soo ridaan Shabaab sida uu yiri
Dad rayid ah ayaa madaafiicda habeenadan la is weydaarsanayay ku dhintay, kuwaasoo ahaa dad rayid ah oo barakacayaal u badnaa.
Wixii ka dambeeyay markii todobaadkii hore Ciidamada AMISOM la wareegeen Qabuurihii Barakaat iyo Jaamacadii Muqdisho ayaa Shabaab bilaabeen weeraro habeenkii ku soo qaadaan saldhigyada Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda, iyadoo weeraradaas noqdeen kuwo magaalada oo idil saameeyay.