dacwadii lagu heysat Tevez oo ganaax lagu soo afjaray
26 Oct 2011.Eeda cayaaryahanka oo in muddo ah socotay ayaa la soo afjaray kadib markii laganaaxay muddo afar isbuuc ah iyo mushaarkii uu qaadan lahaa halbil
Lacagta Tevez uu weyn doono ayaa dhan 800 kun oo ginni oo ah muddo bil ah mushaharkii uu ka qaadan lahaa kooxda Man City.
Carlos Tevez ayaa lagu helay dacwadii uu ku soo oogay tababaraha kooxda macalin Roberto Mancini dacwadan oo eheed in uu sameeyay amar diido kadib markii kursiga keydka looga yeeray kulan katirsanaa Champions League oo 2-0 looga adkaaday
Cayaaryahanka ayaa lagu eedeeyay in uu diiiday inuu iskululeeyo balse Tevez ayaa ku tilmaamay taa waxkama jiraan
27 jirkaan oo ka qeyb galay jimcihii hore dhageysiga dacwadiisa, ayaa sidoo kale la ganaaxay muddo labo todobaad ah, lakiin ganaxaas waaba uu soo qaatay sidaasi darteed uma baahna inuu mar kale maro.
“waan is kululeeyay balse wax micno ah ma sameyn ayuu yiri Tevez oo ka jawaabaye eedaa
Ciyaaryaahnka ayaa sidoo kale looga digay inuu waxaas oo kale ku kaco mustaqbalka, ka dib baarintaan laga sameeyay sidii uu u dhaqmay kulankii Champions League ee Bayern Munich bishii hore.
________________________________________________________
















