C/weli Maxamed Cali oo ka soo horjeestay hadalkii Madaxweyne Sheekh Shariif
Ra’isul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali oo wareysi siiyae wargeyska The Star ee xaruntiisu tahay dalka Kanada ayaa sheegay inay ciidamada Kenya u kaashanayaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen Xarakada Al-shabaab.
“Inaga iyoKenyawaxaan si wadajir ah uga shaqeynaynaa arrimo dan noo wada ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin is-dhaafsiga wararka iyo qorshe wadajira ah oo aan kaga hortagayno khatarta muuqata ee Al-shabaab” ayuu yiri Dr. C/weli Gaas.
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dhibaatooyinka ay Al-shabaab ka geysanayso gudaha dalkaKenya, isagoo intaas ku daray “Fikir ahaan, waxaan u adeegsanaynaa xittaa sheydaan si aan ula dagaalano Al-shabaab, ayuu yiri mar kale Gaas.
Dhinaca kale Ra’isul wasaare Gaas ayaa sheegay inuusan fileynin hadalkii ka soo yeeray Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna intaasi ku daray in hadalkaasi dunida oo dhan uu ku noqday filanwaa, ka dib kolkii uu sheegay inaysan habooneyn in ciidamda Kiinya ay soo galaan guddaha Soomaaliya.
Hadlaka Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa muujinaya in ciidamo Kenya ay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya, inkastoo uusan si cad carabka ugu dhufan, wuxuuna hadalkiisa ku soo beegay xilli Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Sheekh Shariif uu sheegay inaysan Xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed aysan raali ka aheyn in ciidamada Kenya ay iska soo galaan gudaha dalka.
WidhWidh Online News Desk
















