CUDUR BAA DILLAACAY(WARAYSI XIISO BADAN)

Cudur dillaacay oo laga soo xigtay hadallada halkan hoose ku qoran, ayaa waxaa is-xog waraysi la yeeshay Shacabka Xalaasha ah ee SSC (Cudurna sida la ogyahay waa nin ku xajiimooda erayga xalaasha iyo wixii xalaala oo dhanba). 
Shacabka xalaasha ee SSC intii aanay Cudur faafay u yeedhin waxay isla garteen in Cudur yahay qofka ay Ingiriisku u yaqaanaan “Jack of all trades Mr. of none”. Saas ay tahay waxay isla qaateen bal inay waraysi la yeeshaan ninkaas ka ibtiloobay. Weliba in wax kasta wax laga weydiiyaa lagu heshiiyey si uu isu moodo khabiir.
 
Hadalladii laga soo xigtay:
 
“Waxaana su’aal fura ah war aniga oo gurigaygii col lagu soo hoggaamiyey oo qaxooti ka ah iyo ninkii colka keenay oo maalin walba albaabkii gurigayga u kaadi taga, maamul ma wada dhisan karnaa? Miyaanay ka horrayn inaanu heshiinni oo colaaddaas ka heshiinno, kaddibna dhulka la xoreeyo? Mise xaalku waa tii maxkamadda xabashida laga sheegi jirey oo marba ninkii qaylo, hadal, iyo cay bata baa gar leh”
 
“…..Soomaalidu markii ay bixisay murtida leh: Nin buka boqol u tali……..Marka innaga gaar la inoo eegana waxay noqon lahayd nin Bukaa beel u tali…”
 
“Midna ha la xusuusnaado: War qolada Isimada caayaysa oo xaaraanta iyo inay maxjar ku jiraan ku sheegaysa waa qoladii guryahooda ka soo saartay oo Soomaalidiidka ku soo hoggaamisay. Waana u gaadhay inay weliba ku tiiqtiiqsadaan.”
 
 
Cudur dillaacay ayaa kaloo sheegay in dad daasado u tumayaan maamul dhisid aan dhul iyo shacab toonna loo hayn, “…waxa dhulkeenna loo qabsaday colka inaga ayaa soo hoggaaminay shacabkeenii baana inuba meel u jeedaa. Maamul la sameeyo waxaa ka horreeya  in la heshiiyo oo talo midaysan iyo tol wada socda la helo. Laakiin taasi ma muuqato falankeeda laguma jiro e xaqiiqdu waxa weeye ninkii colka keenay oo dhulka u gacan geliyey ayaa imminkana riwaayadda maamulka aan dal iyo dad toona loo hayn wada…”
 
 
Waraysigiina wuxuu u dhacay sedan soo socota:
 
 
Shacabka Xalaasha SSC: Waxaanu jecelnahay inaynu isu xog warranno iskuna dayno bal inaynu heshiinno waa adiga heshiisyo, talo midaysan, iyo tol wada socda iyo wax la mida ka hadlaye e.
 
Cudur Dillaacay: Miyay meesha saxaafaddii xalaasha ee SSC joogtaa ama ka ag dhowdahay?
 
Shacabka Xalaasha SSC: Maxaa ku jaban in saxaafaddu meesha joogto?
 
Cudur Dillaacay: Anigu bataatanba ma doonayo in saxaafadi waraysigeenna joogto, waxaan rabaa is waraysi albaabadu u xidhan yahay oo saxaafadi shuqul ku lahayn, haddii kale ina kala wada.
 
Shacabka Xalaasha SSC: Cuduroow waa lagaa aqbaly.
 
Cudur Dillaacay: Waa mahadsan tihiin ee inoo bilaaba hadalka
 
Shacabka Xalaasha SSC: Cudur Dillaacoow waxaanu ognahay inaad cudur halis ah tahay aad cadaw gaamuray ku tahay danaha SSC. Ninyohow waxaanu goosanay inaanu adigoo cadaw nagu ah aanu haddana kula hadalno. Bal horta waxaad noo sheegtaa meesha aad nagala qaadday?
 
Cudur Dillaacay: Horta ma idiin sheegaa cudurka dilaaga ah aan ahay magaciisa, noociisa, iyo in la kala qaado oo faafo iyo inaanu dawo lahayn?
 
Shacabka xalaasha SSC: Maya taa wax wakhti ah ha iskaga lumin, annagu dad Ilaahay ku kalsoon ayaanu nahay cudurkuna adiga ayuu kugu koobnaanayaaye, xaggaad cuduryohow aad nagala qaadday?
 
Cudur Dillaacay: Waa yahay. Dadyohow anigu keliday ma ahi, waxaanu wada shaqaynaa cuduro badan oo kale. Haddaan tusaale u soo qaato waxaa ka mid ah cudurka weyn ee Faroole, Cudur Madoow aad u taqaaniin Buur Madoow, iyo qaar cuduro kala jaadjaad ah oo Garoowe deggan aad Issimo u taqaanaan, cuduro ay adeegsadaan SNM, iyo cuduro u shaqeeya SSDF, iyo kuwo kale oo badan. Ta xaggaad nagala qaadday dee idinba caqlaad leedihiine cudur maxay shaqadiisu tahay oo inuu dad waxyeelo aan ka ahayn? Weliba dadka ugu xiga ee uu gaadhi karo.
 
Shacabka Xalaasha SSC: Waanu garanay, oo sidaas ayaad u tidhi maahmaahmadii ahayd Nin Buka Boqol u Tali, waxay ku wacan tahay in adiga laguu bixiyo oo loo rogo ‘Nin Si Xun U Bukaa Beel u Taliyey’ Alla maxaad is taqaanaa
 
Cudur Dillaacay: Waa sidaas, taa waad garateen. La isu dhuuman mayo ilmaadeer waa is far taqaan
 
Shacabka Xalaasha SSC:  Waxaad ka warrantaa kuwan Issimada aanu u naqaano aadse tidhi waa cuduro Garoowe deggan, ma hubtaa in Dhulbahante guryahoodii ka soo saaray?
 
Cudur Dillaacay: Haayoo waan hubaa, ma cid baa ka shakisan?
 
Shacabka Xalaasha SSC:  War shaki ma ahee waa caddahay in Dhulbahante daayoo aan cadow kalena ka soo saarin dhulkoodiiye, inta yare e laamida qaarkiis ah ee cadowga SNM ee itaalka yar joogo mooyee, waxaad noo sheegtaa Issimka aan haysan deegaan weyn uu joogi karo kuna noolaado oo beeshiisu degto kagana shaqeeyo hawlihii loogu caano shubay, bal mid midba u magacow? Weliba laba Garaad Jaamac oo iyagu laamida qaar la haysto dega ayaaba hormuud ka ah xorayntee oon meelna u cararine, waxaad noo sheegtaa waxa kuwa kale ee deegaanadoodii wada nabdoon yihiin ka baxsadeen? Runtana noo sheeg?
 
Cudur Dillaacay: Su’aal kale ma haysaan?
 
Shacabka Xalaasha ah SSC: Maxaad Issimada maryaha uga ridday ulana carartay maryahoodii?
 
Cudur Dillaacay: Nimankaas Garoowe deggan sow ma sheegaysaan? beri hore ayaa maradu kaga dhacday meeshaas, Issimana looma haysto waxaana ay la mid yihiin sidii nin Burco waa hore joogi jirey oo xanuunsanaa oo caruurtu daba ordi jirtey kana cadhoon jirey ‘waa hoorayaa, waa hoorayaa’ ee ka socda wax kale ma haysaan
 
Shacabka Xalaasha SSC: Cudur Dillaacoow waxaanu u haysaney in SSDF iyadu samaysay hadalka ah Dhulbahantoow idinka ayaa kala qaybsan ee dhan isugu baydha, haddase waa adiga leh gurigaygii nin Dhulbahante ah ayaa  iga soo saaray iyo shacabkeenii ayaa iniba dhan u jeedaaye, ninyohow ma Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa u laqimay SSDF warkan guri iska soo saarka iyo kala qaybsanaanta illeen isaga ayaa hoggaamiya kuwa Garoowe fadhiya aad cudurada ku sheegtay annana u haysano Issimee?
 
Cudur Dillaacay: Ka gudba SSDF ma sheegto waxaan loo sheegine
 
Shacabka Xalaasha SSC: Cuduroow billaa calayk adigoo dhabta abbaaraya heshiis ma doonaysaa iyo in SSC talo ku midowdo?
 
Cudur Dillaacay: Waar Dhulbahante waa ta la yidhi waa dhoohane! Adeer anigu (Cudur) isuma taliyo, waa la I diraa hadalna kama soo cesho, maxaa aniga heshiis ii yahay oo iga soo gelaya? Anigu qandaraas ayaan haystaa, meel aan wax ku xarxariiqana waan leeyahay aan tifaftire ka ahay, qolyaha aan u shaqeeyaana ka daalacdaan hawl qabadkayga. Wegereey…Weger….
 
Shacabka Xalaasha SSC: Ninyohoow haddii aad tidhi dal iyo dad midna lama hayo, maxaad adigu iska xiijinaysaa, qolyahayagan iyagu leh wax baanu midaynaynaa, xoraynaynaa, maamul u samaynaynaa maad faraha nagala baxdid bal meesha iyo inaanu kob caleen leh ka soo toosno ha la arkee?
 
Cudur Dillaacay: Hadalku dee laba shub ayuu idiinku dhacayaa. Aniga iyo cudurrada kale maxaanu helaynaa? Annagu idinka wax idin lama rabnee, naftayada ayaanu u xoogsanaynaa
 
Shacabka Xalaasha SSC: Ninkan Ina Khaawi isaga ka warran, waa ka leh anigaa lahaa fekerka Khaatumo 1 iyo 2, ma kula tahay inuu run sheegayo, illeen waa ta qolada SSDF ee aad u shaqayso iyo SNM-ta uu u shaqeeyo wada shaqayntu ka dhexaysee?
 
Cudur Dillaacay: Dadyohow horta cidina weli garanmayso meesha G6 wax u waddo. Anigu waxaan u malaynayaa (waxaan qor qoro iska illaawoo) in qoladan SNM-tu si weyn uga shakisan tahay nimankan G6 waayo waa rag tayadoodu sarrayso (High caliber) sida ina Khaawiba sheegay. Waxaa laga baqayaa inay Dhulbahante dawladda ugu xoogga badan geeska ka dhigaan. Malahayga waxaan u badinayaa in Siilaanyo la hadlay Ina Khaawi oo ku yidhi sidaa u hadal si meesha shaki looga abuuro, libaaxan (Aarka) Dhulbahante ee hurdana aan loo toosin oo loo weyrixin loona carsho carshayn. Calaa-kulli-xaal arrintu waxay u egtahay farsamo (tactic)
 
Shacabka Xalaasha SSC: Kan Cudur Madoow isaga bal faallo ma ka bixin kartaa, waa ka isna leh wax-garadka hawsha Khaatumo wada aad baanu u wada hadalnaa, shirkana waa ka soo qayb gelayaaye?
 
Cudur Dillaacay: Horta Ina Khaawi waa ka yidhi abti baa la ii yahay, haddaad hadalkiisa dhuuxdana wuxuuba leeyahay wax ka yar 5% ayaan Dhulbahante ahay. Ina xaabsade abti ayaa loo yahay, war waxa oo dhan abti ayaa loo yahay, anigaygan Cudura ee idinla hadlaya abti baa la ii yahay, xitaa sida ay u dhan yihiin kuwa SSDFta u shaqeeya reer sheikh Isxaaq ayaa dhalay. Cudur Madoow isna waa tii aad maqlayseen inuu lahaa abti ayaa la ii yahay oo waa la I dhalay. Hasayeeshee, ogaada qolyihiinan xalaasha ahoow in is-dhalkaas iyo abtinimadaasi afka baarkiisa tahay iyo waxaan jirin waayo dee meesha laguma hayo mana taal wixii dad is dhalay oo wiil iyo abti, gabadh iyo abti isu ahaayeen oo waa la is-wanjalayaa. Haddii aan su’aashiinnii u soo noqdo, Cudur Madoow odayaasha khaatumana lama hadlee wuxuu idiin sheegayaa waa Cudur Faroole iyo qolyaha SSDF wuxuu la hadlo, waadna la socotaan inuusan carro SNM cag soo dhigi Karin
 
Shacabka Xalaasha SSC: Cuduroow, annaguna run ayaanu kuu sheegaynaa waxaa noogu daran (the worst case scenario) waa iyadoo G6 noqdaan shimbiri maalin bay dab qaadday waxayna ku gubtay buulkii hooyadeed, waa haddii ay wax u wadaan sida ay jecel yihiin adiga, Ina Khaawi, iyo labadan reer SNM iyo SSDF iyo waxay cagaha ku xadhaan. Sidaadarteed, waxaanu doonaynaa oo qabnaa in G6 ay u taallo inay wax badan sharraxaan oo caddeeyaan si tuhunnada iyo ceebaynta lala daba joogo ay isaga barraxaan (In short, G6 needs to do a lot of explaining). Waxaana docda kale noogu wanaagsan (best case scenario) iyadoo G6 guntiga u xidhay inay dadkooda iyo deegaankooda iyo maamulkooda SSC xoojinaya oo taabba gelinaya. Cuduroow haddaanu ku weydiino G6 ma noqon karaan niman daacad ah oo u guntaday danta Dhulbahante iyo deegaankiisa isla markaana ku guulaysta mission-ka hadduu xalaal yahay? Aqlabiyadda shacabka xalaasha ee SSCna miyaanay guulaysan Karin?
 
Cudur Dillaacay: G6 iyaga ayay ku xidhan tahay dhanka ay kubbadda u laadayaan. Shacabkiinana ama xalaal isku sheega ama waxaad doontaan noqdoo, waxaan idin leeyahay masaakiin ayaad tihiin, ogaada waxba kuma qabsoomaan kumana hagaagaan shacab ayaa aqlabiyaddiisu sidaa niyadda ka jeceshahay iyo waxaa iyo waxaa doonaysaa aan hoggaamin adag iyo ficil lahayn. Miyaydaan ogayn in cudur dilaa ahi hadduu dillaaco ama faafo uu ummad dhan seexsho ama shaydaan keliyi duufsado ummad iska dhan. Meesha waxa shaqeeyaa waa firfircooni, karti, iyo shaqo badan iyo inaad leedahay hadaf aad higsanayso iyo hoggaamin toosan hawsha majare adag u haysa. Qolyahayaga cudurradu sidaa ayaan u shaqaynaa ee idinka intiina badan ee xalaasha ahi is weydiiya bal sida aad u shaqaysaan
 
Shacabka Xalaasha SSC: Cuduroow maxaa kuugu wacan qaylada, hadal badnida iyo cay badnida aadan waxba u meel deyeyn?
 
Cudur Dillaacay: Sow garta sidaa ku helimaayo?
 
Shacabka Xalaasha SSC:  Bal arrinta abtinimada haddaynu dib ugu yara noqono, maxaa had iyo jeer Dhulbahantaha looga maqlaa Isaaq ayaa ii dhalay oo reer abti ii ah aadna arkayso inuu ku dagaalamayo, halka aadan Isaaq weligaa ka maqlayn abti Dhulbahante iwm. (inkastoo maalin dhoweyd Cudur Madoow oo keliya laga maqlay isagoo sun, waabeeyo iyo mariid ku soo malleelay)?
 
Cudur Dillaacay: Xalaaley, taa Isaaq beri hore ayuu gidaar ku nacaallay. Ninkay ku hadhay hawli haysaa
 
 
Shacabka Xalaasha SSC: Hartinimada iyada ka warran maxaa Dhulbahante daba dhigay adiguna ugu aad ugu dheggan tahay, illeen Majeerteenkii ku xoogsan jirey iska xoor markuu danihiisa ku fushadaye?
 
Cudur Dillaacay: Idinku tiinna ka taliya, anigu kuwa ku shaqaysta ayaan u shaqeeyaa, wliba idinka deyn maayee sankaan idinka mar-marinayaa mar walba
 
Shacabka Xalaasha SSC: Cudur Dillaacoow, intaad eed oo dhan ka duwday SSDF iyo SNM ayaad dusha ka huwisay Dhulbahante oo isagu dhibban, waxaad leedahay Dhulbahante ayaa I qabsaday I barakiciyey adigoo Isaaqii soo duulay dembiga ka maydhay, Majeerteenkii inaga tashaday ee heshiiska la galay SNM dhabarkana jeediyey waxaad leedahay sidaa ha inoogu taliyeen iyadoon waxba gacanta ugu jirin “falankeedana aan hayn” annagoo erayadaadii isticmaalayna, maxaad sidaa u yeelaysaa?
 
Cudur Dillaacay: Ma anaad weli wax I weydiinaysaan….Wegereey…Weger…
 
Shacabka Xalaasha SSC: Cuduroow waa inoo tahay ee waxba ha iskala hadhin
 
Cudur Dillaacay: Waar bal annagaa wax aragnay….war anigu dirxigaa bararay ee qudhunkiisa ku dhex jiraan ahaye….haddaad wax qabsanaysaan dee qabsada…anigana eed ha I saarina…miyaydaan aqoon waxa afka qalaad lagu yidhaahdo ‘employee’ cid u shaqeeye….ama runtaba aan sheegee calooshiisa u shaqayste ‘Mercenary”….
 
Shacabka Xalaasha SSC: Cudur Dillaacoow waadba ka  caqli badan tahay sidaanu moodayney….belo uun-baa ku daasado tuntay iyo waxoogaa iimaan la’aan ah
 
Cudur Dillaacay: Ibliisba ma nacas baad mooddeen?
 
Shacabka Xalaasha SSC: Cuduroow ma ka fikirtay in SSC dawlad xoog badan oo dhaqaale culus leh noqoto aadna ka hesho waxaan Ilaah mooyee cid kale ku siin?
 
Cudur Dillaacay: Taasi weligay iguma soo dhicin….waxaa iskaga-kay gudbay midho gunti ku jira kuwa geed saaran looma daadsho….ee bal idinkuna ku soo dhakhsada haddaad wax haysaan oo wax na tusa…wax la raagshaa rag kuma samee…..