Cristiano Ronaldo: Weli Real Madrid ma aysan ku guuleysan horyaalka La ligaha.

Xidiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in weli uu furan yahay tartanka horyaalka La Liga.
Ciyaaryahanka caalamiga ah ee reer Portugal ayaa qaab ciyaareed sarre soo bandhigay kulankii axada isagoo dhaliyay seddexleey xilli Los Blancos ay 4-2 kaga badisay kooxda Levante oo marti ku aheyd Santiago Bernabeu.
Natiijadan ayaa ka dhigeyso in Madrid ay 10 dhibcood ku heyso hogaanka La Liga ka dib guuldaradii 3-2 ee Barcelona sabtidii ka soo gaartay Osasuna, lakiin Ronaldo ayaa qaba inay xilli hore ku tahay in ay u dabaaldegaan horyaalka.
“Wax badan ayaa dhiman waa in aynu sugnaa,” ayuu yiri ciyaarta kadib. “si fiican ayaan u ciyaareynaa. Kulankaan waxa uu ahaa mid adag oo qeybihii hore ay nagu adkeyd, lakiin goolal ayaan dhalinay waana bedelnay natiijada,”.
“Shaqo fiican ayaan qabanaynaa, waa in aynu joogteynaa sidan oo kale,”.
Seddexleyda Ronaldo ayaa dhigeyso halka ugu sareyso gool dhalinta La ligaha, waxa uuna afar gool ka sareeyaa laacibka Barcelona Lionel Messi.