Cristiano Ronaldo oo barbareeyay rikoorka gooldhalinta Real Madrid ee ciyaaryahan Juanito.

20 Feb 21012.Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa barbareeyay rikoorka goolasha ee ciyaaryahanka 13aad ee abid ugu goolasha badnaa taariikhda kooxda Real Madrid ka dib goolkiisii xalay ee uu ka dhaliyay kooxda Racing Santander oo kooxdiisu 4-0 ugua wood sheegatay.
Ciyaaryahanka caalamiga ah ee reer Portugal goolkaasi dhaliyay lix daqiiqo markii ay socotay ciyaarta, waxaana goolkaasi madaxa u saaray ciyaaryahan Kaka.
Waxa uu ahaa goolkaasi goolkii 121aad ee 123 kulan oo tartan rasmi ah oo uu u saftay Madrid, waxaana uu barbareeyay Juanito oo u saftay kooxda Madrid 401 kulan intii u dhaxeysay 1977 ilaa 1987.
Ciyaaryahankii hore Manchester United oo Real Madrid ugu fadhiyo lacag gaareyso €94 million oo Euro, ayaa u baahan in uu dhaliyo seddex gool si uu u soo barbareeyo ciyaaryahanka 12aad ee taariikhda ugu goolasha badan Pahino.
Xiddiga kooxda Schalke Raul ayaa ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan taariikhda Real isagoo u dhaliyay (323) gool, waxaana ku soo xiga Alfredo Di Stefano oo isna dhaliyay (308) gool, halka Santillana uu isna dhaliya (290) gool.
Goolkii Ronaldo ee Racing ayaa ahaa kii 28aad uu dhaliyo 23da kulan La ligaha uu saftay xilli ciyaareedkan 2011-12.