Ciyaartooy Soomaaliyeed Oo U Ambabaxday Dalka Imaaraadka “Daawo Sawirro”
Xaflad lagu sagootinayay 4-ciyaar yahan oo ka qeyb gali doono tartan ka furmaya dalka isutaga Imaaraadka Carabta, oo ku saabsan tartan cayaaro fudud ah oo sanadkiiba mar la qabto, kaa oo ay soo qaban qaabisay xiriirka Yaaf ayaa shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Xafladaani sagootinta ah oo ay soo qaban qaabiyeen xiriirka Soomaaliyeed ee cayaaraha fudud ayaa waxaa ka soo qeybgalay gudoomiyaha gudigda olambikada Soomaaliyeed iyo dhamaan xiriirada qeybbaheeda kala duwan, waxaana munaasabadaani sidoo kale ku jirtay mid lagu soo dhaweynayay Guddomiye ku-xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud C/laahi Maxamed saney iyo madax kale uu hogaaminayay
Waxaa goobta hadal ka jeediyey C/laahi Maxamed Saney oo ah Guddomiye ku-xigeenka cayaaraha fudud oo wax lagu farxo ku tilmaamay in uu markaliya horyimaada gudigga olambikada Soomaaliyeed iyo xiriiradiisa oo dhan, waxaana uu dhinaca kale ladar daarmay cayaartoyda in ay muujiyaan karti iyo niyad samiba, si ay ugu guuleystaan tartankaasi oo 26-ka bishaan ka furmaya dalka Isutaga Imaaraadka carabta.
Sidoo kale Marwo Qadiijo Aadan Daahir oo ah ku-simaha guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee cayaaraha fudud oo iyana munaasabadasi sagootinta ah ka hashay ayaa shaacisay in cayaartooyda ka tirsan cayaaraha fudud in ay yihiin kuwa u dhabar adeegay in ay meel wanaagsan ka gaari doonaan mustaqbalkooda dambe, waxaana ay u rajeysay in ay soo hooyaan guul.
Ugu dambeentiina waxaa xafladaasi soo gaba gabeeyay guddoomiyaha Gudigga Olambikada Soomaaliyeed Mudane Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ku amaanay dadaallada ay wadaan xiriirada kala duwan ee dalka ka jira, waxa uuna u mahad celiyay xiriirka cayaaraha fudud oo ku tilaabsaday shaqo muhiim ah. isagoo cambaareen dusha kaga tuuray dadka doonaya in ay hoos u dhigaan isboortiga dalka oo ku talaabsaday horumar weyn
Guddoomiyaha waxa uu xusay in ay diyaar u yihiin la shaqeynta cidwalbo oo diyaar u ah in ay kaqeyb qaadato horumarka isboortiga dalka.
Afartaasi cayaaryahan ee ka tirsan xiriirka cayaaraha fudud ayaa maanta u ambabaxay dalka isutaga Imaaraadka Carabta, si ay uga qayb qaataan tartanta halkaasi ka furmaya 26-ka oo ku beegan maalinta Arbacada.
















