Ciidamo ka tirsan AMISOM oo dalbaday in dalkooda dib loogu celiyo
Qaar ka mid ah ciidamada dowladda Yugandha ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa dalbaday in dalkooda dib loogu celiyo, iyagoo sheegay inay muddo dheer ku sugnaayeen Soomaaliya aysanna arkin qoysaskooda iyo caruurtooda, dhib badanna ay kala kulmeen Soomaaliya.
Wargeys lagu magacaabo Africa Report ayaa sheegay in dowladda Yugandha iyo Midowga Afrika ay ka dalbadeen qaar ka mid ah ciidamada Yugandha ee AMISOM ee haatan ka howlgala gudaha magaalada Muqdisho in dalkooda dib loogu celiyo, laguna sameeyo isbedel, maadaama bay yiraahdeen ay muddo dheer ku sugnaayeen Soomaaliya si ay mar kale ula midoobaan qoysaskooda oo looga sheekeeyay in lagu dilay dagaalada ka socda magaalada Muqdish.
“Waxaan doonaynaa in dib na loogu celiyo dalkeena hooyo ee Yugandha, waayo waxaan u hilownay xaasaskeena iyo caruurteena, sidoo kalena waxaa jira dhibaatooyin badan oo aan kala kulanay dagaalka ka socda Muqdisho, waxaan doonaynaa inaan nasiino soo qaadano, si aan isku ilowsiino dhibaato badan oo aan kala kulanay dagaalkii aan Muqdisho kula galnay Al-shabaab” ayuu yiri askari ka tirsan ciidamada Yugandha ee dalbaday in dalkooda dib loogu celiyo oo la hadlay Wargeyska Africa Report.
“Waxaan warqad codsi ah u dirsanay wasaaradda Gaashaandhiga Yugandha, taa soo aan ku dalbaneyno in dalkeena dib na loogu celiyo, waayo Muqdisho waxaan joogaa 9-bilood oo aan ku jirno dhib iyo dagaal aan dhamaad laheyn, qoysaskeena waxaa loo sheegay inaan dhimanay, hadal aan la hadalnayna way naga qaadan layihiin inaan noolnahay, sidaas darteed waxaan dooneynaa inaan isasa soo tusno oo aan wejiga tusimo, laakiin wax jawaab ah kama heyno wasaaradda gaashaandhigga Yugandha” ayuu yiri mar kale askariga wareysiga siiyey Wargeyska Africa Report.
Dhinaca kale jiritaanka warkan ka soo yeeray ciidamada Yugandha qaar ka mid ah ayaa waxaa xaqiijiyey jiritaankiisa afhayeenka ciidamada Yugandha Col Felix Kulayigye, kaas oo isna u sheegay Wargeyska Africa Report inuu jiro dalabka ah in ciidamada qaarkood ay dalbadeen in dalkooda hooyo dib loogu celiyo, wuxuuna diiday dalabka ka yimid qaar ka mid ah ciidada Yugandha ay ku dalbadeen in dalkooda dib loogu celiyo, isagoo tusaale u soo qaatay Col Felix Kulayigye ciidamada badda Maraykanka oo uu sheegay sanado badan inay dalkooda ka maqnaadaan, wax cabasho ahna aysan ka imaan.
















