Ciidamo Itoobiyaan oo wata Taangiyo oo qabsaday deegaano ka tirsan Bay iyo Gedo
Ciidamo Itoobiyaan oo ku hubeysan Taangiyo ayaa xalay fiidkii la wareegay deegaanka Yurkud ee ka tirsan Gobolka Bay, iyo deegaan kale oo lagu magacaabo Bohol Bashiir, halkaasoo Al-Shabaab isaga baxeen.
Sida wararku sheegayaan Ciidamada Itoobiyanka oo ahaa kuwii ka soo dhaqaaqay Luuq labo maalmood ka hor ayaa qorsheynaya inay qabsadaan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Gudoomiyihii hore Gobolka Baay C/fataax Geesey ayaa sheegay in Ciidamada dowladda, kuwa Ahlusuna iyo ciidamada Itoobiya ay la wareegeen deegaanka Bohol Bashiir iyo Yurkud.
Waxaa uu sheegay inay horay u sii socon doonaan lana wareegi doonaan deegaano kale, isagoo tilmaamay in maalmaha soo socda uu qorshahooda yahay sidii ay u qabsan lahaayeen Baydhabo.
Dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo diyaar garow dagaal ayaa ka socda deegaano ka tirsan Bay iyo Bakool oo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ku soo wajahan yihiin.
Isgaarsiinta deegaanada qaar ayaa hawada laga saaray, kadib markii ay sii xoogeysteen dhaq dhaqaaqyada ciidan, waxaana wararka sheegayana in ciidamada gulufkooda yahay mid ku wajahan labada Gobol.
Ciidamada Itoobiya ayaa horay u sheegay inay qabsan doonaan magaalada Baydhabo oo ah magaalo istiraatiiji ah oo Al-Shabaab ka soo galo dhaqaale ballaaran.
















