Ciidamada Kenya oo diyaarad looga soodiray Deegaanka Libooye ee Xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Libooye ee dalkaKenyaayaa waxay sheegayaan in diyaarad nooca Helokabtar-ka ah oo ay leeyihiin ciidamadaKenyaay xalay burburtay deegaanadk Libooye ee xadka Soomaaliya iyo dalkaKenya.
Sida warku sheegayo burburka diyaaradda ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in diyaaradda uu qabsaday dab xoogan, taasina ay keentay inay soo dhacdo oo ay burburto, halka warar kale ay sheegayaan in diyaaradda lala helay gantaan ay rideen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dowladdaKenyaoo ku saabsan burburka diyaaradda, sidoo kalena weli wax war ahkamasoo bixin dhinaca Xarakada Al-shabaab oo iyana ku saabsan soo dhicitaanka diyaaraddaasi, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iyo duuliyaashii waday diyaaradda inay dhinteen iyo inay ka badbaadeen shilka diyaaradeed.
Burburka ku yimid diyaaraddan dagaalka ee ciidamadaKenyaayaa yimid iyadoo dowladdaKenyaay ciidamadeedu gudaha u galeen gudaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay taageerayaan diyaarado dagaal.
















