Celmi Macallin iyo Daahir Ciise oo qalab Isboorti Gudoonsiiyay Eastleigh Stars (Sawirro).
Wafdi ballaaran oo ay hogaaminaayaan Daahir Ciise iyo Celmi Macallin oo ka mid ah Qurba Joogta Soomaaliyeed ee Sida Weyn ugu ololeeyo Horumarinta Isboortiga Soomaaliya ayaa Waxa ay Safar Shaqo kusoo gaareen Magaalada Nairobi.
Masuuliyiintan oo kala ah Milkiilayaasha Kooxaha Leceister Union oo ka dhisan Magaalada Lecester ee Wadanka Ingiriiska iyo Kooxda Eastleigh Star oo ka dhisan Magaalada Nairobi ayaa Waxa uu yahay ujeedka ugu Weyn Socdaalkooda Bariga Africa, in ay qalab Isboorti gudoonsiiyaan Kooxda Eastleigh Star iyo in ay Xafiis Cusub u Furaan Machad Academic ah oo ay Muqdisho horey looga furay.
Masuuliyiintan ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi qaar ka mid ah Isboorti-yaqaanka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, iyo Masuuliyiinta Kooxda Eastleigh Star oo uu ugu horeeyo Macallin Jabshe.
Xaflad Qado Sharaf ah oo isugu jirtay Soo dhaweyn iyo Gudoonsiin qalab Isboorti ayaa lagu qabtay Hotelka Gulf Place waxaana Hakaas Warbixino isaga kala qaatay Masuuliyiinta Isboorti ee Magaalada Nairobi iyo Wafdigan.
Kooxda Eastleigh Star ayaa la wareegtay Qalabkii la gudoonsiiyay, iyagoo uga Mahad Celiyay Masuuliyiinta Isboortiga reer UK sida wanaagsan oo ay u garab istaageen Walaalahood Reer Kenya.
Dhanka Kale Wafdigan ay Hogaaminaayaan Daahir Ciise iyo Celmi Macallin ayaa u gudbay Magaalada Muqdisho halkaas oo ay qorsheenaayaan in ay ka furaan Xafiis Cusub oo loogu tala galay Akadeemi dhalinyarada Da’da yar lagu bari doono Kubadda Cagta.
















