Cabdiraxman Awcali Isagaa tariikhdaa iska leh….
Maqaal:Reer Awdal marna haku nacaan marna haku jeclaadaane Cabdiraxman Aw Cali isagaa tariikhda SNM iska leh. Isaga ayaana loo daba fadhiisan karaa. Niman cimaamado beena usoo xidhay inay tariikhdii ay hadda ka hor ku caayi jireen Ina Awcali ay maroorsadaan ayuu shalay Cabdiraxman Awcali gees iskaga riixay. Siyaasadu wajiyo badanaa ..Nimankani oo waligood ahaa mucaaradka somaliland taniyo sagaashanaadkii ayaad arkaysay shalay inay makaroonka cidwalba ugu horeeyeen. Waa markii ugu horeysay ee nimankaas afkooda laga maqlo erayga Mujaahid Cabdiraxman Aw-Cali . Bi’i waa aduunyoow maxaad maalinba meel ii eridaa.. Cabdiraxman Awcali waxay ugu yeedhi jireen Cabdiraxman Tolwaa, Lug Isaaq, Basaas iyo waxyaabo kale shalayna iyagaaba tariikhda SNM cidwalba uga badiyey.
Cabdiraxman Awcali oo adeegsanaaya khibrada uu u leeyahay nimankan hoos yaaca ahi waxa fashiliyey nimankii damacsanaa inay beeshiisa ku shaabadeeyaan waxyaabo kale iyaguna ka hadli karaan tariikhda SNM oo ay hadda ka hor ku caayi jireen Cabdiraxman Aw- Cali iyo tolkiiba.
Tariikhdu maaha mid jeebka lagala soo baxo waa mid dhacda goor ay dadka qaarkii kala qaybsan yihiin kuna aragti kala duwan yihiin.Hadii shalay Cabdiraxman Awdali lagu caayi jirey tariikhda SNM maanta waxa la arkay in lagu amaanayo . Hadaba maxaa keena isbadalka yaabka leh? Waxa keenay kala qaybsanaan xoogleh oo Xukumada Silaanyo ka dhex abuurtey Beelaha Gadabuursi taas oo keentey baday doonto ha jiidhee yaan lagaaga badin??
Nimankii Ugaasdiidka ahaa oo iskugu jira xildhibaano iyo wasiiraba ayaa shalay dadka horkacayey iyagoo dadka shalay barayey maxay qabatey SNM. SNM waxay qabatey waa lawada yaqaan waana : Dil kufsi, dhac maal iyo nafba leh oo ay kula kacday dadka reer Awdal dadkii dadkooda la xasuuqayna wali waxay sugayaan cadaalad la horkeeno danbiilayaashii dadkooda dilay.. Tariikhda dhabta ah ee SNM cidii doonaysi waa taa .. Tariikhda cusub ee ay nimankan Ugaas Diidka ahi SNM ka sheegayaan waxa ka mid ah Mujaahidiin, Hadaba miyeyna nuqsaan ku ahayn caqliga qofkasta oo reer Awdal ah in siyaasadu nimankan la gasho waxyaabo laga xishoodo. Markale waa Baday doonto hajiidhee yaan lagaaga badin!! .
Nimankan tariikhda SNM nagu wareershay waa kuwii shalay lahaa ciidamo nala soo gaadhay ee ku hunguubay inay Awdal ka dhigaan sidii kalshaale.
Gabagabadii faaladan Haday wanaagsanayd iyo hadii ay xumayd tariikhda SNM ee dhinaca Gobolada Awdal iyo Selel waxa mulkideeda iska leh Cabdiraxman Awcali isagaana taaladaas loo dhisayaaye cidii moodaysa inay waxku helaysaay qandhuufta dib u liqoo meelo kale kasoo wareeg ilayn sidaa kujoogsan mayside.
Cabdiraxman Aw Calina waa nin Makaahiil ah waar ilayn yaab badanaa meelkastaba maxaa raga dhigay !!
Cabdisamad Yusuf
Click here to view the embedded video.
















