Caallin oo dib ugu noqday Gaalkacyo
Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin/RBKMadaxweynaha maamulka Galmudug oo ku sugnaa Muqdisho oo uu kaga qeybgalay shirkii wada tashiga Soomaalida ayaa dib ugu noqday magaalada Gaalkacyo.Madaxweyne Caalin ayaa sheegay in qodobadii ka so baxay shirki wada tashiga ee Muqdisho ay ahaayeen kuwo rajo geliyay shacabka Soomaaliyeed, ayna maamulkiisa aad u soo dhoweynayaan.Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa faahfaahin ka bixiyay kulamo uu ka qeybgalay intii uu Muqdisho joogay, oo lagu dhexdhexaadinayay beelaha walaaha ah ee ku dagaallamay deegaanka Dhegtuur ee gobolka Mudug.Caalin waxa uu sheegay inay wali socdaan dadaallada la doonayo in lagu soo afjaro dagaallada Dhegtuur.Maqaaladda La Xiriira:
- Madaxweyne Caalin oo Gaalkacyo ku noqday
- Madaxweyne Caalin oo Gaalkacyo ku noqday
- Munaasabad xarigga looga jarayay laanta socdaalka oo ka dhacday Gaalkacyo

















Comments
Post new comment