Caabudwaaq: Shirkii Ahlu Sunna oo la soo gabagabeeyay
Shirkii Ahlu Suuna Waljamaaca uga socday degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa maanta la soo gabagabeeyay, iyadoo lagu doortay mas’uuliyiin cusub.Mas’uuliyiintii shirka ka qeyb gashay ayaa guddoomiyaha Ahlu Sunna ee gobollada dhexe u doortay Professor Xirsi Maxamed Hilowle, oo ka mid ah qurbajoogta Soomaalida.Guddoomiyaha golaha talada ee maamulka Ahlu Sunna, Sheekh Cumar Cabduqaadir Aadan oo isaguna dhowaan xilkaasi loo doortay, ayaa Bar-kulan u sheegay in sidoo kale isla maanta la soo doortay guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlu Sunna, Sheekh Maxamed Yuusuf Xooshow iyo ku xigeennadiisa.Shirka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa muddo bil ah wuxuu ka socday degmada Caabudwaaq ee gobolka Gedo.Maqaaladda La Xiriira:
- Caabudwaaq: Ahlu Sunna oo dooratay guddoomiyaha guddiga talada
- Ahlu Sunna oo beenisay inuu khilaaf jiro
- Ahlu Sunna oo kulan leh bishan

















Comments
Post new comment